Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

DALKAAN YAA LAHAA OO LOOGU YEERAA?

W/Q Axmed Khaliif

Soomaaliya yaa lahaa oo loogu yeeraa?

“Dhulkii aan dad lahayn, dadkii aan dhul lahayn baa leh.” waxay ahayd halkudhaggii Yahuudda markii – sanaddihii 1920-48 – ay ku habsadeen Falastiin iyaga oo ka soo qaxayey Yurub (dhul dad leh) oo muddo dheer lagu dhibaateyn jirey. Waqtigaas dadka reer Falastiin ayaa gabey, sababtu sikasta ha ahaatee, in ay difaacdaan dhulkoodii hooyo, sida maanta Soomaalidu u gabeen dhulkoodii hooyo, Soomaaliya. Sidaas awgeed Soomaaaliya maanta waa dhul aan dad lahayn: no man’s land; waa qaran dumey:  a failure state; dad aan hadda dhul lahayn baa yeelandoona. No man’s land is any man’s land.

Waxaa xaqiiqo ah in maanta Soomaaliya marayso meeshii ay Falastiin maraysay sanaddihii caaradka 1940-maadkii. Waxaa sidoo kale xaqiiqo ah in haddii maanta Soomaaliya aan la daboqaban in Soomaali magaceed ba’idoono oo aysan dib danbe u jiridoonin. Taas macneheedu waxaa weeye Soomaaliya maanta wali daboqasho ayey leedahay, yaase daboqabankara?

Inta aynan ka jawaabin su’aashan aan in yar taariikhda dib ugu noqonno sidii Falastiiniyiinta looga dhacay dhulkoodii hooyo. Kadib dagaalkii koowaad adduunka iyo qaybsigii dalalka Carabta (the great loot) ee Ingiriiska iyo Faransiiska (Sykes and Picot treaty), waxaa Falastiin la galiyey xukun gaar ah (Special status). Taas oo lagu macneeyey in Ingiriisku Qaramada Midoobey (UN) masuul uga yahay Falastiin; uuna sida ay Qaramada Midoobey rabto ugu maamulayo; go’aanka ugu dambeeyana markasta Qaramada Midoobey ka gaaridoono. Falastiintu, sida Soomaalidu maanta u aaminsan tahay in Qaramada Midoobey badbaadin doonto, ayey u aamineen oo u ogolaadeen in Qaramada Midoobey u taliso.

Ingiriisku (The Perfidious Albion) isaga oo ku gabanaya magaca Qaramada Midoobey, Falastiiniyiintana hubka uga dhigaya, ayuu bilaabey inuu Yuhuud – oo uu 1917kii (Balfour Declaration) kula galey heshiis in uu dajin doono Falastiin – ka soo daadgureeyey Yurub oo uu dajiyey guryana uga dhisey/gadey Falastiin.  Yuhuuddu ama iyadu ha u fikirto ama Ingiriis ha ku dhaliyo e waxay billaabeen in ay sameystaan Jabhado qarsoodi ah (Irgun, Haganah iyo Lehi ama Stern Gang) oo afka sooduubta, sida Alshabaab oo kale, shaqadooduna tahay in ay Falastiiniyiinta ka saaraan dhulkooda dhimasho ama nolol ( dead or alive), iyagoo sheeganaya in ay yihiin Falastiiniyiin doonaya in ay dhulkooda ka xoreeystaan Ingiriiska. Qaar ka mid ahaa jabhadahaas oo la wareystey waxay yiraahdeen dadka shacabka ah oo si xun oo naxariisdarro ah loo xasuuqo, sida Al Shabaab sameeyaan, waxay keenaysaa in dadku qaxaan, iska cararaan, oo aan loo baahan ciidan farabadan oo dalkaan lagu qabsado.

Markii ay Falastiintu 30 sano qaxayeen, oo dhimanayeen, Yuhuudna intaas dhulkooda ku soo qulqulqyeen, ayaa Ingiriisku markii uu hubsadey in ay Yuhuud isaga fillantahay ayuu 14 May 1948 isaga dhexbaxay Yuhuud gaamurtey iyo Falastiin macaluushey. Sidaa ayaa 15 May 1948 waxay noqotey maalintii QARANNIMADA Yahuudda, halka Falastiintu ay u aqoonsatay Maalintii HOOGGA (Al- Nakba = The Catastrophe)Finders keepers, losers weepers, isn’t?

Waxaa hubaal ah in haddii maanta Falastiinta la siin lahaa waqtiga yar oo sanaddaha ah ee maanta Soomaalidu haysato, ay har iyo hurdo ka tagi lahaayeen, habeen iyo maalinna ku mashquulsanaan lanhaayeen, oo aysan dhaafteen daqiiqad aysan ka fakarayn sidii ay dalkooda iyo dadkooda u badbaadin lahaayeen, halka  Soomaalidu iyagoo arkaya khatarta ku soo fool leh, ay wali iyagu isku mashquulsanyihiin: is haystaan, oo is dilayaan.

Haddii taariikhda wax laga barto, waxay innabaraysaa in dalkii la baabi’inayo loo adeegsado Qaramada Midoobey, talodiisana la caalamiyeeyo (internationalization), si ummaddaas xorriyaddeeda (sovereignty) looga qaado – halka Soomalidu u qabto in Qaramada Midoobey tahay badbaadiyaha badbaadindoona.

Runtii waxaad mooddaa in aan waxba innaga qarsoonayn, oo ay iska caddahay in Soomaaliya mar hore waddadii Falastiin cagta saartey. Soomaalidu waxay maanta ku dhacdey dabinkii ay Falastiin hal qarni ka hor ku dhacdey. Qaacidada (the formula) loo adeegsadeyna waa tii Falastiin lagu baabi’iyey. Qaramada Midoobey waxay Soomaalida u hoosaasineysaa cadowga si aysan uga didin oo cadowga meel uga soo wadajeensan. Soomaaliya waxay maanta qarka u saarantahay HOOGGEEDII. Sanadka 2020ka Soomaaliya waa loo BAQAA!

GAASHAANBUURTA CADOWGA SOOMAALIYA 

Sinjiguurinta (Genocide) ku socota Soomaalida waxaa isu bahaystey habar dugaag oo ay qaybta ugu wayn ka qaateen Soomaali ku shaqaynaysa quud iyo qabyaalad; waxaa kale oo dabargoynta Soomaalida ka qayb qaatey: 

Alshabaab:  Sidii jabhadii Yuhuudda, ayaa shaqadoodu waxay tahay in iyagoo iska dhigaya Soomaali – afsoomaali ku hadlaya – ay Soomaalida muuq iyo macagba u dilaan dhulkoodana ka saaraan dhimasho ama nolol (dead or alive). Taas macnaheedu wuxuu yahay (dehumanization), in adduunka laga dhaadhiciyo in Soomaalidu tahay bahalo aan wadda noolaan karin, lala noolaan karin, dowlad noqon karin, aanan astaahilin in loo naxariisto. (Give dog a bad name and hang him).

Itoobiya iyo Kiinya: Cadowgii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya iyagoo adeegsanaya Al Shabaab, waxay qorsheeynayaan in marka hore adduunka ay ka dhaadhacsiiyaan in Soomaaliya khatar ku tahay adduunka oo dhan, iyagana dhowaansha ay u dhowdahay awgeed, ay si gaar ah khatar ugu sii tahay; sidaas darteed aysan iyagu faraha ka qaadi karin oo, ay ku khasban yihiin in nabadgalyodooda awgood ay u qabsadaaan Soomaaliya.

AMISOM:  Askariga AMISOM Soomaaliya waxay u tahay God Dahab (Gold mine) oo uu qodanayo; waayo Qarammada Midoobey, waxay askariga AMISOM, oo marka uu dalkiisa joogo qaadan jirey inka yar $100, marka uu Soomaaliya yimaado siiyaan $1,200 iyo gunno aan xisaab lahayn; waxaa qasab ah marka la eego damaca aadanaha, in askrigaasi uu doonayo in shaqadaasi u sii socoto oo uu sii joogo Soomaaliya. Haddaba askarigaas si uu Soomaaliya u sii joogo, una sii noolaado, oo godka dahab ah u sii qoto, miyuusan dooranayn in uu la heshiiyo Alshabaab oo waliba hub iyo raashinba siiyo, sida dhacdey, intii uu la dagaalami lahaa? Miyeysan taasi ahayn iskhilaaf daneed (Conflict of Interest)?

Marka iskhilaafkaas daneed dhinac la iska dhigo, Yugaandha waxay waligeed siyaasadda Barriga Afrika xulufo la aheyd Kiinya iyo Itoobiya. Haddana waxay Soomaaliya u joogtaa danteeda iyo tan Itoobiya inka badan inta ay u joogto Soomaaliya. Soomaalidu iyagoo ka fogaanaya ciidamada waddamada loo yaqaan ‘jiida hore -Itoobiya iyo Kiinya’ ayay si aqoondarro (war-ma-qabtonimo) ah u ogolaadeen in Yugaandha ciidan u keento.

Jabuuti:  Jabuuti waa tii Prof. Cumar Cusmaan Raabi (Allah ha u naxariistee), waddanigii-waynaa ee reer Jibuuti, uu ka qorey buuggiisa uu ciwaan ugu digey ‘République de Djibouti ou roue de secours d’ Éthiopie?’ ‘Jibuuti ma Jamhuuriyad baa mise waa Shaaggii dheeraadka ahaa (Isbeer-taayirkii) Itoobiya?’ Sidaas awgeed Jabuuti iyo Yugaandhaba waxay ogaal ama ogaal la’aan ugu shaqeeyaan oo lacag lagu siiyaa inay Kiinya iyo Itoobiya ku caawiyaan sidii Soomaaliya loo baabi’in lahaa. Jibuuti waa qalab (la patte du chat pour = Cat’s-paw) Itoobiya lafta dheriga uga la baxdo – danteeda uga daneysato Soomaaliya – ay waxay ka cabsato in lagu fahmo u soo marsiiyo. Waxay Soomaaliya u joogtaa danta Itoobiya.

Halkan ka akhri: Dalkaan yaa lahaa oo loogu yeeraa

Axmed Khaliif
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.