Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Dagaallo cusub oo ka dhacay Laascaanood

Garoowe (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in ciidamada Somaliland, ay maanta laba jiho ka weerareen Laascaanood, iyagoo sidoo kale madaafiic la beegsaday magaalada.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo tebiyay in uu ka dhashay dagaalka, inkastoo aan la helin tiro rasmi ah.

Wararka laga helayo waxay sheegayaan  in madaafiicdii ku soo dhacayay gudaha magaalada ay waxyeelleeyeen gaadiid yaallay xarunta dowladda hoose ee magaalada Laascaanood, ayna sidoo kale dumiyeen qaybo ka mid ah xafiisyada dowladda hoose.

Dagaalka oo saacaddo baddan socday ayaa ku soo beegmaya xilli waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay ku boorrisay dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Laascaanood inay dejiyaan xiisadda, ixtiraamaan xabbad-joojinta ayna oggolaadaan in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadkii ku barakacay dagaalkaasi, dibna loo bilaabo wada-hadal wax ku ool ah oo lagu xallinayo.

Sidoo kale wareerkan waxani wuxuu meesha ka saarayaa rajadii laga qabay in Muusa Biixi uu qaato bayaankii kasoo baxay dawladda Maraykanke ee ku aadan Innuu ciidamadiisa ka saaro Laascaanood.

Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.