Garoowe (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in ciidamada Somaliland, ay maanta laba jiho ka weerareen Laascaanood, iyagoo sidoo kale madaafiic la beegsaday magaalada.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo tebiyay in uu ka dhashay dagaalka, inkastoo aan la helin tiro rasmi ah.
Wararka laga helayo waxay sheegayaan in madaafiicdii ku soo dhacayay gudaha magaalada ay waxyeelleeyeen gaadiid yaallay xarunta dowladda hoose ee magaalada Laascaanood, ayna sidoo kale dumiyeen qaybo ka mid ah xafiisyada dowladda hoose.
Dagaalka oo saacaddo baddan socday ayaa ku soo beegmaya xilli waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay ku boorrisay dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Laascaanood inay dejiyaan xiisadda, ixtiraamaan xabbad-joojinta ayna oggolaadaan in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadkii ku barakacay dagaalkaasi, dibna loo bilaabo wada-hadal wax ku ool ah oo lagu xallinayo.
Sidoo kale wareerkan waxani wuxuu meesha ka saarayaa rajadii laga qabay in Muusa Biixi uu qaato bayaankii kasoo baxay dawladda Maraykanke ee ku aadan Innuu ciidamadiisa ka saaro Laascaanood.
Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews
Leave a Reply