Dagaalka Somaliland iyo Puntland muxuu ku dambaynayaa?

W/Q Sh. Axmed Cabdisamad 

Dagaalku inta aan wali la galin ee uu kaa hormuuqdo waxaa loo qabaa xiiso iyo xamaas badan oo caqliga dahaar saara, gaar ahaan marka awood la isbidayo ama qolada kale taagdarri lugu ogyahay. Hase yeeshee marka faraha lala galo oo waqtigiisu dheeraado, dhadhan kii hore ka duwan iyo eegmo tii hore ka gaddisan buu yeeshaa.

Waa hubaal in labada maamul mid walba heli karo wax badan oo uu dadkiisa ku dagaalgaliyo oo xiiso iyo xamaas galin kara dadweynaha, waxaase isweydiin leh dagaal labada maamul ka dhex qarxa (Alle ma qaddaree) maxaa ka dhalan kara, xaggeese ku dambaynayaa?.

Waxa ka dhalan kara ninna looga sheekayn maayo oo waa qax, gablan, agoon, araamil, curyaan, cayr, isnacayb, moraljab iwm.

Halka dagaalkaas ku dambaynayo (say ila tahay) waa labo mid uun:

1- in markii muddo la islaayo oo meydka iyo dhaawucu meel waayaan ay cid aan amarkeeda la khilaafi karin (beesha caalamka) labadaba ku amarto inay dagaalka socda degdeg u joojiyaan, ayna meelohoodii kala joogaan oo markaas arrintu noqoto oo maxaan dadkayagii ku laynay, maxaanse macaashnay?.

2- in beesha caalamku u aamusto oo dagaalku dheeraado, aakhirkana ay arrintu noqoto war isdaaya ma maqashay iyo anna waa maqlay oo qoloba dhineceeda hoos u oydo ama ugu yaraan intii agoontoowday ama gablantay murug iyo dayac dheer ku noolaadaan.

Mar haddii dagaalku aakhirka dhammaan doono, waxa ugu weyn ee laga helayana ay yihiin dhimasho, dhaawac, barakac iwm maynu marka horeba iska dayno innaga oo aan cidi ina ka dhiman , ina kana dhaawacmin?. Mise qolo kasta waxay filaysaa in aan iyada wax gaarayn ee khasaare oo dhan uu qolada kale gaar ugu habsan doono?.

Sh. Axmed Cabdisamad
Email: alwaqaar@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.