Muqdisho (WDN)- Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa faahfaahino dheeraad ah ka bixiyey dagaal maanta ka qarxey deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo weerar xoog leh kusoo qaadeen maleeshiyaadka Alshabaab oo hore deegaankaasi looga saarey.
Taliska ciidamada ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 20 maleeshiyaadka Alshabaab ah oo deegaanka Yasooman weerarka kusoo qaadey, halka ciidamada dawladdu looga diley 3 askari.
Alshabaab oo weeraro isugu jira qaraxyo ismiidaamin iyo iska hor imaad toos soo qaaday, waxaana u suurto gashay in ay soo riixaan ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka deegaanka ee garabsanaya. Hase yeeshee gurmad dhanka cirka ah oo dayaaradaha duuliye la’aanta ah, oo ay heleen ciidamada xoogga ayaa u suurto geliyey in Alshabaab dib loo riixo.
Dagaalka maanta Yasooman ka dhacey ayaa lagu tilmaamay midkii ugu cuslaa ee Alshabaab kusoo qaadaan ciidanka dawladda ee deegaankaasi horey kooxda ugala wareegay, waxaana ka dhacey khasaaro lixaad leh oo labada dhinac soo kala gaarey.
Wararka aynu helayno ayaa tilmaamaya in maleeshiyaadka Alshabaab jab xoog leh dagaalka maanta lagu gaarsiiyey gaadiid dagaalna looga qabsadey waxaana jira maleeshiyaad kooxda ah oo gacanta lagu dhigey.
Dagaalka ka dhacay Yasooman ka dhacay ayaa laga cabsi qabaa in maleeshiyaadka Alshabaab ay soo rogaal celiyaan gurmad ayaana lasoo sheegayaa inuu soo gaarey, balse taliska ciidamada xoogga dalka ayaa sheegaya in kooxdu aanay awood u lahayn in markale weerar deegaankaasi kusoo qaado jabka maanta gaarey awgii.
Maxemed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply