Muqdisho (WDN)- Wararka ka imaanaya deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in ku dhawaad 3 qof oo rayid ah in ay ku dhinteen tiro 10 ka badanna ay ku dhaawacmeen kadib duqeyn xooggan oo ay fulisey dayaarad nooca aan duuliyaha lahayn (drone) oo beegsanaysay xubno ka tirsan kooxda Alshabaab.
Weerarka dayaaradda duuliye la’aanta ah ayaa la tilmaamayaa inuu ahaa mid si gaar ah loogu beegsanaayey saraakiil ka tirsan kooxda Alshabaab, laakiin waxaa dhacdey in gantaalaha qaar ku dhaceen guryo dad rayid ah daganyihiin. Dhaawacyada ayaa loo soo qaadey magaalada Muqdisho, maadaama deegaankaasi aanu lahayn goob caafmaad .
War saxaafadeed kasoo baxey dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran, oo taageero ka helaya dayaaradaha aan duuliyaha lahayn in ay ku dileen sarkaal sare oo Alshabab ka tirsan weerarkaasi oo ka dhacey deegaanka Mubaarak ee degmada Awdheegle.
Dawladda Soomaaliya ma sheegin in hawl galkaasi ay dhibaato kasoo gaartey dad rayid ah, iyada oo weerarada inta badan ay fuliyaan dayuuradaha duuliye la’aanta ah ayay dhibaato xoog leh kasoo gaartaa dadka rayidka mana jirto cid xil iska saarta sidii dhibaatada dadka rayidka ah looga ilaalin lahaa.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply