Cusmaan Yusuf (Cusmaan Geri): Halyey Soomaaliyeed

W/Q. Cali Yuusuf Ciisa

Waxaa magaaladda Seattle ee maryaykanka ku geeriyooaday bishii Ogost 23-dii, Allaha ha u naxariistee Cusmaan Yusuf oo loo yiqiinay Cusmaan Geri oo aha halyeey naftiisa u huray qaranka Soomaaliyeed. Cusmaan wuxuu ku dhashay baadiyaha waqooyiga Jigjiga. Wuxuu ku barbaaray, waxna ku bartay Jigjiga.

XusussWxuu ku shaqeysan jiray baayac mushtari oo uu u safri jiray Soomaaliya.  Dabayaaqadii lixdamaadkii waxa ay  Xamar isku barteen Saraakiil Soomaali ah uu ka mid yahay Axamed Saleebaan Dafle, oo madax ka ah Xafiiskii Wardoonka Ciidanka Soomaaliya.  Axmed Saleebaan wuxuu dareemay inuu Cusmaan yahay nin wadani ah oo leh garaad siyasadeed (political conscious) . Wuxuun u soo bandhigay in uu xafiiska la shaqeeyo waa Xafiiska Wardoonka,  oo uu uga soo waramo dalka Itoobiya. Cusmaan oo garwsan halista shaqadani ay leedahay ayaa oggolaaday si uu u guddo waajibkiisa qaran.

Cusman Geri muddo badan ayaa isaga oo ah “dhar Cad” ka dhex shaqeyn jiray guddaha Itoobiya. Waxaa ku sugnaa dhulka Soomaali Galbeed, sida Harar, Jigjiga, Dhagaxbuur, Goday, Wardheer iyo meelo kale oo badan  ciidan Itoobiya ah,  xoog ah. Muddo dheer ayuu Cusmaan xog wax ku ool ah (classified ducoments) cadowga ka keenay, shaqqadiisana si habsami leh u gudanayey.  Rag badan oo dhallinyaro u badan oo waqtigaas Addis Ababa waxbarasho ka dhiganayey ayuu sidoo kale hawl galiyey oo uu Safaaradda Soomaaliyeed ee Addis Ababa ku xidhay.

Nasiib daro, nin ay isku reer ahayeen ayaa jaajuusay oo ku war galiyey Xafiiska sir doonka ee Itoobiya in uu Cusmaan u shaqeyo dawladda Soomaaliyeed. Cusmaan isaga oo Jigjiga ka sii baxaya, warna ka haynin in la dabo taagan yahay ayuu u ambabaxay dhinaca Soomaaliya si u gudbiyo xogtii uu helay. Waxa laga daba tagay duleedka Jigjiga oo lagu baaray. Waxaa halkaas ku yaala xarun weyan oo ciidan ah iyo Kastamka Jigjiga (notorious custom check point) oo dadku tacadi badan kala kullmaan. . Baadhitaankii wax laga soo faqay xoggo qoraalo ah oo jidhkiisa ku xidh-xidhay.  Waa la xidhay, silic iyo jidh dil ayaa loo geeystay, kadibna xukun daa’yim (life imprisonment) ayaa lagu xukumay, waxaana  lagu riday xabsiga loo yaqaan “ALAM BAQA” oo la micino ah “Adduunkii uu ka daayey”.

Godkaas madow ayuu muddo ku jiray, dad iyo qorax midna looma oggoleyan, waan laga quustay, oo qofkii godkaas Alam Baqa lagu rido, sida uu magacuba ka markhaati kacayo, rajo lagama qabo inuu ka soo baxo,  laakiin dawladdii Soomaaliyeed kama quusan, wey daba taagnayd. Aakhirataankii, waxay ku guuleysatay inay xabsigii “Alam Baqa” ee Harar laga soo saaro oo xabsiga Jigjiga ku yaal loo soo badalo.

Cusmaan oo xaaladdas adag ku sugan,  1977 dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya  waxa dhinac Jamuuriyaddii Soomaaliya u soo qaxay ninkii lagu tuhunsanaa inuu Cusmaaan ku jaajuusay Xabashida. Markiiba xadhig  ayaa lala beegsaday, waxaana  loo gudbiyey xabsgiga “Gaal shire” ee Xamar ku yaala. Odayaal reereed oo aan ka war haynin sababta loo xidhay ayaa Axmed Saleebaan, madaxii Nabadsugiddii Soomaaliyeed,  ugu tagay si loo sii daayo, wuxuuna ugu jaawabay, “ ninkan wuxuu naga qabaa nin (Cusmaan) qaali ah ilaa ninkaas nolol aan ku argano  sooma daynanyo’.  Ninkaas waxaa la sii daayey 1987 oo ahayd markii Cusmaaan xabsiga lagala soo fakday.

Reerkii Cusmaan laga xidhay wax gacnta ku haysay oo daryeel u fidinayey xafiiskii uu ka tirsana ee Nabad Sugidda Soomaaliyeed. Wiilkiisii markii uu dhammeystay dugsiga sare waxa laga hawlgaliyey Xafiiskii  Aabihiis  Oo xidgle lagu qaatay. Intii uu xidhnaa labaatan sanno ku dhaweyaf reerkii iyo caruurtiisii waxa kafaaladqaatay dawladdii Soomaaliyeed.

Bal Cusmaan iyo xaalkiisii dib ugu soo noqono. Xabsiga Jigjiga wuxuu ka sahalnaa kii hore ee uu  ku xidhnaa. Xabsiga Jigjiga wax loo ogol yahay in la booqdo, cunto loo geeyo iyo isaga oo la xidhnaa maxaabuus Soomaliyeed, wxuuna heli karayey wixii akhbaar ah. Sidii uu sidaas ugu jiray,  waxaay dawaladdi Soomaaliyeed maaliyad ku bixisay si dadban in damiin lagu sii daayo oo uu maalintii dibadda joogo,  habeenkiina uu xabsiga u  hooyodo. Nin Axmaar ah oo hotel lahaa ayaa lacag faro badan la siiyey si uu soo damiinto Cusmaan Geri, si uu maalintiina banaanka u joogo, habeenkiina xabsiga ugu laabto.

Muddo ayuu sidaas ku sugnaa ilaa ay Dawladdii Soomaaliyeed diyaarisay kooxo sarakiil Soomaaliyeed oo  la soo baxda Cusmaan .  Muddo dhawr saacadood ka bacadi hawlgalkii Cusmaan lagala soo baxayey Jigjiga guul ayuu ku soo dhamaaday. Cusmaan wuxuu dib ugu soo noqtay dalkiisii Soomaaliyeed isagoo xor ah. Cumaan Gari waxa loo soo qaaday Xamar waxaana loo soo dhaweyay si heer qaran ah. Waxaan loo qabtay xaflad lagu abaal marinayo, laguna maamuusayo hawlhii uu u Qaranka Soomaaaliyeed u qabtay.  Waxa lagu maamuusay BILAD SHARAH DAHAB ah iyo dalacaad oo uu ku muteystay shaqadda halista galisay naftiisa ee uu Ummadda Soomaaliyeed u qabtay.

Muddo yar ka bacadi,  waxa loo diray Qaahira, dalka Masar  si caafimaadkiis loo soo baadho, maadaama xabsi adag ku jiray muddo labaatan sanno ku dhawo.  Allaha u naxariisto Cusmaan burburkii ka bacadi wuux u qaxay Jigjiga halkaas oo uu deganaa inta uusan Maraykan u guurin. Intii uu Jigjiga ku sugnaa iyadoo loo aqoonsanyahay geesinimadii iyo wadaniyaddii uu lahaa, ayaa maamulkii Deeganka Soomaalida ee uu Madaxa uu ka aha,  Ciid Daahir u qoray mushaar iyo guri, halkaasna  aanu daris ku ahyan.

Intii uu Jigjuga nala joogay waxaan xasuustaa inuu ku joogay sharaf iyo mudnaan, iyadoo loo ogsoon yahay (sacrifice) hawsha qaran ee uu naftiisa u huray. Allaha ha u naxariisto, samir iyo iimaana ilahay  qoyskiisii, gaarahaan wiilkiisii,  keyse, inaga iyo ehaladiis ha inaga siiyo.

Amen.Amen, Amen.

Cali Yuusuf Ciisa
Email::Ayissa-06@hotmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.