Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgalo ka fuliyey degmada Buurhakaba

Muqdisho (WDN)- Ciidamada sida gaarka ah y tababaran ee milatariga Soomaaliya ee DANAB, guutadda 16aad ayaa saaka hawlgalo qorsheysan ka fuliyey degmada Buurhakaba iyo deegaano ku teedsan ee gobolka Bay. Halkaas oo inta fadhiisin u ahayd xubnaha dhaqdhaqaaqa Alshabaab.

Deegaanada ciidamada xooga hawlgalada ka fuliyeen ayaa waxa ka mid ah deegaanka Ceelbashiir oo degmada Buurhakaba qiyaastii 10 KM u jirta, waxa sidoo kale ciidamadu baaritaano ka sameeyeen dhulka hawdka ah halkaasi oo ay ku dhuumaalaystan maleeshiyaadka Alshabaab.

Deegaanada maanta ciidanka xoogga dalka hawlgalada ka fuliyeen, ayaa ahaa goobo fariisin u ah ciidamada Alshabaab. Halkaasi oo baaritaano xoog leh ay ku samayn jireen gaadiidka iyo rakaabka isaga kala goosha magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.