Cadaado: Shaqo la’aan haysa haween noloshooda ka maarayn jiray dhar-dhaqista iyo nadaafadda

Cadaado: Shaqo la’aan haysa haween noloshooda ka maarayn jiray dhar-dhaqista iyo nadaafadda

Xaliimo Maxamed Xaashi waxa ay ka mid tahay 60 haween ah oo noloshooda ka maarayn jiray shaqooyinka dhar-dhaqista iyo nadiifinta xarumo shaqada ee magaalada Cadaado. Waxa ay hadda wajahayaan shaqo la’aan soo jirtay ilaa billowgii sanadkan.

Xaliimo oo muddo labo sano ah ka shaqaynaysay nadiifinta xarun ganacsi ayaa bishii ka heli jirtay $120 oo ay ku maaran jitay nolosha carruunteeda oo lix ah.

Shaqadaas ayaa ka joogsatay 18 bishii Feberaayo markii maamulka xarunta ay ku wargaliyeen in ay bixin-waayeen qarashkii ay ku shaqaynaysay. Waxa ay tilmaantay in subax walba ay magaalada aaddo iyadoo rajaynaysa in ay hesho cid ay howl u qabato si ay u hesho wax ay dabka u saarto carruurteeda oo agoon ah.

“Markii aan shaqadaan u kacaa oo dadka shaqo waydiyaa dadka waxa ay ku leeyihiin dabaylaa kacday shaqo lama haysto dharka waan kuu dhiibaynaa haddiii aad markaan helno aan ku siinayno oo dayn aad noogu dhaqayso waad noo dhaqaysaa, aroortiiyaan meesha ka bixi jiray shaqadaasaan aadaayay shaqadiina markaan waxba ka soo qaban waayay waxaan waxba ahayn oo afna jirin uuraadna jirin ayaa awalba laga soo heli jiray waxiina waakaas waa iska waxaysmeen”

Haweenaydan daruufaha ay dadka kale la wadaagto waxaa u dheer in gacan ay naafo ka tahay oo aysan ka qaban karin shaqooyinka adag. Waxa ay sheegtay in markii ay ka tagtay shaqada ay ku wareegto baqaarrada raashinka iibiya iyadoo u dan- sheeganaysa, taas oo ay u aragto xalka keliya ee ay ku noolaan karaan iyada iyo carruurteeda.

Mid ka mid ah dadka baqaarada ku leh magaalada ayaa markii ay uga warrantay xaalkeeda u furay buug dayn ah oo ay muddo afar bil ah ku soo moodday. Bishaan ayuu milkiilaha dukaanku u sheegay in lagu yeeshay $370 islama markaana uusan intaas ka badan siin karin iyada oo aan tii hore gudin.

Xalimo ayaa sheegtay in hadda ay dawarsi nolol ka raadiso maaddaama ay shaqo waysay. Waxay ka warramaysaa sida nolosha qoyskeeda ay isku beddeshay intii ay shaqo la’aanta ahayd.

“Isbadal waa nagu imaaday cuntadii waa nagu qaaliyoowday haddii maanta shan doollar aad heshid kuguma filna cawada sadex doollar ahadaa heshid waaba ka sii darantahayba hal waqti ayaaba wax la cunaa caawa haddii la karsado waxii hara maantaa cunaysaa, sadex waqti ayaa awal wax la karsan jiray hadda waxaas ma jiraan kiishka sonkorta ah ayaa waxa uu marayaa $20 dollar (25kg) waxaa waaye aad iyo aad ayaa raashinku noogu qaali yahay lacagtuna waa nagu yar tahay. Waxaan ku maareeyaa uslimkaas ayaan dayn ka doontaa waxaan ka soo helana ilmaha u karsadaa dayta haddii ilaahay hay’ado ama muslimh wax iga soo galiyo ilaahay axii uu isoo gliyo ayaan daynta iskaga dhiibaa.”

Xalimo oo qoyskeedu uu sanadkii 2016 dagaal uga soo barakacay Gaalkacyo ayaa deggan xerada Badbaado ee magaalada Cadaado oo nolol adag ay ku haysato..

Haweenka shaqo la’aanta ayaa isugu jira barakac iyo danyar nolol-maalmeedka ka raadsan jiray waxa ay maalintii qabtaan.

Shukri Aadan Xuseen oo qoyskeedu uu ka kooban yahay 11 qof waxa ay ka mid yihiin 200 oo qoys oo deggan xerada Daryeel ee duleedka Cadaado, kuwaas oo ku soo cayrtoobay abaaraha dalka ka dhacay ilaa 2017. Waxay noloshoodu ku tiirsanayd dhar-dhaqid ay magaalada u aadi jirtay, taas oo ay ka soo heli jirtay hadba wax ay dabka saartaan.

Waxa ay sheegtay in muddo labo bil ah aysan magaalada u shaqo tagin oo ay guri joog noqotay markii ay waysay cid shaqo ay u qabato.

Shukri aya tilmaamtay in ay ahayd isha keliya ee dhaqaale soo galin jirtay qoyska, maaddaama saygeeda uu yahay naafo aan guriga dhaafin. Waxay ka warramaysaa caqabadaha soo kordhay ee shaqo waayiddoooda qeybta ka ah.

“Ilaahay asagaa wax keena oo irsaaqadda baxsha laakiin wakaahi caqabad waynbaa haysata kaamamka xiligaan waliba annagu kan aan joogno caqabad waybaa haysata annaga ayaantaan gacanteena waxba nagama soo galin hay’ado wax noogama imaan qasaaladihii magaalada waaku soo bateen waxaa waaye horta qayr ilaahay ha keeno. Wax waynbaa iska badalay waayo awal dabka laba jeer ayaa la shidan jiray hadda hal mabaa la shitaa halkaas marbaa qiilqiil ku taagan iminka waafahantay soomaahan marmrbuu kuu ganbinayaayoo aan iska warwareegnaa oo muslinkaas dabka qoladii shidata la iskugu tagaa.”

Shaqo la’aanta magaalada ka jirta waxaa ku darsoomay sicir-bararka raashinka oo sii adkeeyay noloshooda. Haweenka ayaa sheegay in haddii ay maalintii ay shaqo helaan aysan u goyn wax hal waqti ay dabka saartaan.

Salaado Nuur kaalmoy waxa ay dhar-dhaqid ku soo shaqaysanaysay muddo afar sano ah oo ay daganayd xerada Badbaado, waxa ay ka soo hesho shaqadeeda ayay ku maarayn jirtay nolosha qoys keeda oo sideed qof ka kooban.

Waxay keligeed u shaqeyn jirtay qoska maaddaama aabbaha reerka uusan shaqayn oo uu yahay waayeel sariir saaran. Waxa ay xustay Salaado in aaminsan tahay in dhibaatada shaqo la’aanta ay ka dhalatay sicir-bararka maciishadda.

“Abaaraa saamaysay shaqo qaableh maleh labo barri saddex bari ma la shaqaynaayo in aad tukaan tagto oo tiraah nuskiilo sonkor ah oo sideed falis ah ($0.8) I amaahi kiilo baasto ah oo hal doollar iyo labo falis ah ($1.2) labo bari qofku haddii uu ku siiyo qofku waa isbadalaa waa iska qadi kartaa sidas ayaan ku nool nahay. Waxaan ku dabari jiray waxa aan soo helo sonkoraa ku gadee yaanyaa ku gadee xaabaa ku gadee sidaas ayaan iskugu jacburaynay awal hore aduunku raqiisuu ahaa hadda waxii dhamaa qaali noqdeen afartii dollar ee taleefanka kuugu jirta maxaa ku gadani? Maxaa ku qaadani? Si uun la yeelo ayaa la waayay shalay waan iska soo noqda magaalada markaan tagay.”

Cabdinuur Xasan Cismaan oo ah bare kuliyadda dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Bariga-afrika (Horn of Africa Univversity) faraceeda magaalada Cadaado ayaa sheegay in dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Galgaduud ay saamaynta abaarta iyo sicir bararka u dheer tahay diidmada shilinkii Soomaaliga oo aan la isticmaalin muddo afar sano ka badan.

Wuxuu intaas ku daray in ay u fududayn jirtay in dadku ay wax ku sadaqaystaan dad dawarsanaya balse hadda dadka ay culeys tahay in ay taleefan lacag uga tuuraan.

Dhanka kale Cabdinuur waxa uu qabaa in dadkaan xiligaan aysan jirin fursado ay iyagu abuuran karaan oo ay si fudud ay noloshoda ugu beddeli karaa haddii aysan helin cid gacan qabata.

“In dawladi inku hawsho maahane ma jraan sifo kale oo ay ku didaali karaan maadaama ay xirfaddoodu hal eheed halkiina ay meesha ka baxday mid cusub oo ay isla gadinaayaana aysan jirin in dawladi isku hawshoo shaqo abuur loo sameeyee ormari loo samyoo xoogooda laga faa’iidaysto maahee ma jirto sifo kale oo ay didaal ku samayn karaan. Dadkaan dhaliyarada ahe baabuurta dhaqi jiray kabaha casyn jiray waxaa looga baahan yahay mid uun in ay xirfaddoodii mid kale ku badalaan sida tima-jaraha iyo baabuur wadawga kii waxbaran karaana uu waxbarasho aado oo meeshii hore laga guuro hadda mana shaqaynaysaba sicir-barar aya meesha ka saaray.”

Gudoomiye ku-xigeenka degmada Cadaado Nuur Yaroow Xayle oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa tilmaamay in xitaa dadka ganacsatada ah ay qarka u saaran yihiin in ay meheradahooda albaabada iskugu dhuftaan. Wuxuu sheegay in dadkii wax ka gadan jiray ay deyn hadda ka qaataan, taas oo saameyn ku leh in ganacsigooda uu sii socdo.

Dhanka kale waxa uu xusay in ka muumul ahaa ay waxba ka qaban karin xaaladda dadka abaaraha ka soo xarooday iyo kuwii horay u degganaa magaalada oo ay dhaaftay heer maamul.

“Culaysyada aan la kulmayno mid aan qaadi karnaba maahan sababtoo ah bariga Xarardheere ilaa Camaara robba kama di’anba abaaray eheedba waa soo wada guureenba waxiiyoo dhan adaaday soo dageen tuulooyinka wa daadsan yihiin waxaaba moodaa colaysa in ay Galmudug qaadi karin abaartiina waxa ay noqotay mid Soomaalioo dhan wada tabatayba marka waana ii kaa roonyihiin qolana waaba baaba’een kuwna waa ku soo daba xegaan, marka dadkan adkii dabadda u jiray ay ka warqabaan Galmudug ay qaynada gurto fadaraalku waa la mid maantadadkii la kaalmayn lahaa ama shaqooyinkalooabuuri lahaa waaisla mid dalku dadkuna waa dad xolaha ku jiran xooluhuna waa aber.”

Source: Radio Ergo

Leave a Reply

Your email address will not be published.