Garoowe, Jan. 08, 2014 (WDN)- Doorashadii madaxweynenimada Puntland oo maanta ka qabsoontay xarrunta golaha wakiilada Puntland, ayaa Md. Cabdiweli Maxamed Cali loogu doortay xilka madaxweynenimada Puntland ee shanta sanno ee soo socota.
Dr. Cabdi Maxamed Cali oo ay wareeggii saddexaad ee ugu dambeeyay isugu soo hadheen isaga iyo madaxweynaha haddda xilka wareejinaya Md. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa hal cod oo keliya kaga guulaystay ka dib markii ay u codeeyeen 33 xildhibaan halka Madaxweyne Faroole ay codkooda ka siiyeen 32 xildhibaan iyadoo hal codna uu xumaaday.
Madaxweyne Gaas oo hadal kooban ka jeediyay madasha doorashada guusha uu soo hooyay ka dib, ayaa u mahadceliyay xildhibaannada baarlamaanka, isagoo isla markaana sheegay in uu isbdelkii hadda bilowday.
Madaxweynaha xilka ka dagaya Md Cabdiraxmaan Faroole oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay beenowday waxabaa la boobayaa iyo wixii la faafinayay, waxaanu u mahadceliyay dhammaan intii la soo shaqaysay muddadii shanta sano ahayd ee uu xilka hayay.
Madaxweynaha la doortay Md. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay hawlo culusi sugayaan, ayaa intii lagu jiray ololaha doorashada shacabka Puntland u ballan qaaday in uu isbeddel weyn u keeni doono siiba dhinaca horumarka iyo dhaqaalaha iyadoo laga filayo in uu soo magacaabo xukuumad tayo leh oo ka dhabbayn karta hirgelinta ballanqaadyadiisii.
Guusha Md. Cabdiweli, ayaa la filayaa in si aad ah looga soo dhaweeyo magaalada Muqdisho maadaama uu aad u liitay xidhiidhka dawlad goblodeedka Puntland iyo dawladda federaalka Soomaaliya tan iyo intii uu xilka qabtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo had iyo jeer ay eeddo badan u soo jeediyaan dadka reer Puntland siiba dhinaca hirgelinta nidaamka federaalka Soomaaliya iyo iyadoo la sheegay in wax laga bedelay dastuusrka KMG federaalka Soomaaliy.
Iyadoo hadda la dhowrayo ku dhawaaqista xukuumadda cusub ee fedraalka Soomaaliya, ayaa dadka siyaasadda Soomaalida u dhuun daloolaa aaminsanyihiin in daahitaanka ku dhawaaqista golaha wasiirrada cusub waxyaabaha loo sababayn karo ay ka mid ahayd iyadoo maamulka Muqdisho uu ka dhursugayay cidda ku guulaysata madaxweynenimada Puntland maadaama ay Puntland tahay qayb muhiim ah oo aanay dawladda Xamar iska indhatiri karin saamaynteeda.
Si kastaba ha ahaatee doorashadan oo runtii ahayd mid si aad ah isha loogu hayay, ayaa waxaa yaab lahayd in musharraxiin si aad ah loo hadalhayay intii lagu jiray ololaha doorashada in ay libin soo hoyn doonaan ay ku hadheen wareegii koowaad.
Dhanka kale doorashada xilka madaxweyne ku xigeenka oo iyana isla maanta ka dhacday Garoowe ayaa uu ku guulaystay Md. Cabdixakiim Cabdillaahi xaaji Cumar Camay oo isagu helay 48 cod halka uu Cabdillaahi cali Xirsi oo ay isugu soo hadheen wareeggii saddexaad ee ugu dambeeyay ka helay 16 cod.
Doorashada Cabdixakiim Camay oo ka soo jeedda qoys magac ku leh deegaanka Buuhoodle, ayaa dad badani u arkaan in ay dhabarjab ku noqon karto maamulka Khaatumo oo laba sanno ka hor lagaga dhawaaqay magaalada Taleex oo uu hore uga tirsanaan jiray.
Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ayaa isla maanta loo dhaarshay xilalka ay ku guulaysteen.
WardheerNews
Leave a Reply