Cabdiraxmaan C/shakuur oo kulan la qaatey guddiga gurmadka abaaraha Soomaaliya

Muqdisho (WDN) Gudiga gaarka ah ee abaaraha iyo gargaarka Bini’aadanimada Soomaaliya ee dhawaan uu magacaabey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud , Xildhinaan C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa galabta kulan la qaatey guddiga gurmadka abaaraha Soomaaliya. Kulanka ayaa mid isbarasho iyo is xog wareysi.

Cabdiraxmaan C/shakuur oo kulan la qaatey guddiga gurmadka abaaraha Soomaaliya

Guddiga gurmadka abaaraha Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyey ergeyga gaarka ah ee abaaraha iyo gargaarka bini’aadanimo xaaladda abaaraha dalka ka jira iyo raadka ay reebeen.

Kulanka waxaa ka maqnaa wasiirka xilgaarsiinta Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaa la is waydiinayaa qaabka ay u wada shaqayn karaan 3-dan xafiis ee ka wada shaqaynaya gurmadka abaaraha iyo gargaarka bini aadanimo. Inkastoo laga yaabo in qaab dhismeedka xukuumadda cusub isbadal lagu samaynayo kaasi oo ku aadan in meesha laga saaro wasaaradda gargaarka iyo gurmadka abaaraha.

C/raxmaan Cabdishakuur ayaa guddiga uga mahadceliyey warbixinta ay ka siiyeen xaaladda dalka jirta waxa uuna ku amaaney kaalinka ay ka qaateen u gurmashada dadka abaaruhu saameeyeen, waxa uuna u balanqaadey inuu si buuxda ula shaqayn doono.

Soomaaliya ayaa sanadkaan abaaro saamayn xoog leh geystey ka dhaceen xilli roobabkii sanadkaan la filayey aanay sidii la rabey u dain.waxaana deegaanada qaar ay adkaatey in gurmad lala gaaro maadaama ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada maleeshiyaadka Alshabaab.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.