“Wuxuu kaaga tegi doonaa xusuus waarta”
WardheerNews.com
Kalahaadkii Muqdisho waa xusuusreeb goobjooge. Buuggani waxa uu ku saabsan yahay xusuusaha uu qoraagu markhaatiga ka ahaa ee bilowgii Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya iyo saamayntii ba’nayd ee naf iyo maalba galaafatay ee uu ku yeeshay magaalada Muqdisho iyo dadkii deggenaa. Waxa uu qoraagu akhristaha dhex joojinayaa Muqdisho, magaalamadaxda Soomaaliya, oo xilligaa dagaal lagu hoobtay oo isaga oo kale aan hore loo arag uu ka bilowday.
Dad iyo duunyaba muddo gaaban ayaa silic iyo saxariiraha laga waraabshay. Sharaftii, bilicdii, iyo nabadgelyadii ay Muqdisho lahayd ayaa sidii in aanay waligeedba intaa midna yeelan loo rogay. Taliskii xukunka ku dhegganaa ee Soomaaliya iyo jabhado ay muddo isku marnaayeen ayaa ugu dambayn magaalamadaxdii ummadda isla soo galay oo dagaal aan xeer iyo xigaalo midna dhowrayn magaaladii la isku la galgashay.
Buuggan waxaa qoray Md. Yuusuf Maxamed Xayd oo ahaa Bare iyo Saxafi, islmarkaana xilal kala duwan ka soo qabtay Wasaaraddii warfaafinta ee Soomaaliya. Buuggan oo markiisii hore ku soo baxay luqadda Ingiriisida waxaa Afka Soomaaliga ku tarjumay Md. Boodhari Maxamed Warsame.
Haddaba buuggan waxaad ka dalban kartaa Amazon iyo shirkadda daabacday ee Garanuug.
Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad kala xidhiidhi kartaa Turjumaha Buugga:
Boodhari Maxamed Warsame: email: bodhari.warsame@gmail.com