Hargeysa (WDN)- Wakiilada caalamiga ah, gaar ahaana 15 dal oo kamid ah Beesha Caalamka ayaa war ay kasoo saareen kulamo ay layeesheen Somaliland iyo Isimadda dhaqanka ee SSC, waxay ku cadeeyeen qodobada wada hadalka, iyaga oo gaar ahaan diiradda saaray dhinaca Madaxweyne Biixi.

1- Wakiiladu waxay sheegeen in sii socoshada dagaalka Laascaanood oo galay Todobaadkii 10-aad ay ka dhalan doonto in ay Beesha Caalamka dib u eegayso dhammaan mashaariicda iyo wada shaqeynta ay la leedahay Somaliland.
2- In labada dhinacba sheegaan nabad iyo wada hadal, balse aan fulin marnaba, loona baahan yahay in fulin laga wada hadlo lana abuuro jawi ciidamada looga saarayo aagaga oo dhan.
3- Doorashada Somalilandy ay sheegeen in laga doonayo Madaxweyne Biixi jadwalkeeda oo deg degsan iyo wadiiqo ay raali iskaga yihiin dhinacyada ay u dhaxeyso baratankan.
4- In ay ka xun yihiin ayay sheegeen nabad & wada hadal ku baaqida Mr, Biixi iyo diidmadiisa la xariirta in uusan ciidamadiisa kala baxaneynin magaaada Laascaanood.
Siciid Maxamed Axmed
WardheerNew
