Wednesday, May 15, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Bari: Dadka deegaanka Bareeda oo wajahaya nolol xumo markii ay jabtay buundo gaadiidka badeecadaha geeya ay isticmaali jireen

Kaydka Ergo

 by Jibril Osman

Qoyska Nuur Axmed Maxamed oo 10 qof ah waxaa ku adag in ay helaan 24 saacba hal waqti waxay cunnaan, Markii uu qaali noqday raashin taga deegaanka Bareeda ee gobolka Bari.

Waxaa u sabab ah burbur ku yimid buundo ay badda ku dhaafi jireen gaadiidka rarka geeya deegaanadaas, taasi oo biyaha baddu ay jabiyeen 29 bishii Juun ee sanadkan.

Nuur wuxuu sheegay in qoyskiisu ay hadda ku tiirsan yihiin raashin labaatan kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ah oo uu ka soo dayn saday 23 bishii July nin ay macaamiil yihiin oo dukaan ku leh degmada Caluula, kaasi oo uu beeqaamiyo.

“Qoyska haddii ay quraac helaan in qado aysan helin ayay u badantahay oo saddexdii waqti aan la wada maarayn karin. Waxaa kale oo jira caafimaadkii ayaa nagu adkaaday shaygii noogu imaanaayay todobo dollar ayaa sii maraya $10 markay ugu fududahay.”

Qoyska Nuur wuxuu ka mid yihiin qiyaastii siddeed kun oo qoys oo ku nool degmada Caluula ee gobolka Bari iyo todobo deegaan oo hoos yimaada, kuwaas oo ay saamaysay waddada go’day.

Kiishka burka, bariiska iyo sonkorta ah ayaa gaaray qiimo dhan $50 ilaa $60, halka markii hore uu ahaa $30 ilaa $35, taas oo culays ku noqotay qoyskiisa.

Badda oo sanadkan si xooggan u kacday ayaa sababtay in ay burburto buundada oo ku taalla tog badda ka soo leexda oo dhex mara Caluula. Waxay biyaha oo badnaa ay kala qaadeen carro lagu buuxiyay si loo maro. Waxa ay ahayd halka meel ee ay ka gudbaan gaadiidka rarka keena degmada iyo deegaannada hoos yimaada.

Gaariga raashinka ka qaada Caluula  ayaa  deegaanka Bareeda oo u jira 350 km kiishkii ku geeya $8. Lacagtaas waxaa qaata xamaali dusha ku qaada alaabta gaariga la saaroyo si ay u dhaafiyaan badda. wuxuu xusay in halkii isbuucba uu deegaankiisa mar tago gaari sida raashin kaas oo waxa uu keeno aysan ku fillayn dadka.

“Dhibaatada noogu wayn waa cuntada oo kor u kacday, taas oo ay sababayso waddadu. Sidaas darteed dadka markii shaygii la keeno iibsigiisa waa ku adagtahay mar walbana dhibaatada wadada ayaa sababaysa iyo dadkii oo iska danyar ah oo garabkooda ku xamaasha.”

Nuur waxaa qaaliyowga maciishadda u dheer in ay hakad gashay shaqadiisii oo ahayd Xijiga oo uu ka soo guri jiray duleedka deegaanka, kadibna uu u iib-gayn jiray magaalada Boosaaso. Wuxuu tilmaamay in hadda uu waayay waddo uu marsiiyo.

Waxaa meesha ka baxday $200 ilaa $250 oo uu bil kasta ka heli jiray xabagta, taas oo ku filneed nolosha qoyskiisa. Wuxuu xusay in suuq la’aan taas ay ka wada siman yihiin shan boqol oo xoogsato ah oo deegaanka Bareeda ku nool.

Roobka gu’ga oo ku yaraa deegaanka ayaa sidoo kale sababay inay caato aan suug lahayn noqdaan 70 neef oo ari ah oo uga badbaaday abaartii saddexdii sano ee la soo dhaafay. Arrimahaas isbiir saday ayaa saamayn ku yeeshay noloshooda.

Wuxuu ka welwelsan yahay sida uu xaalkooda sii ahaan doono haddii uu ka idlaado raashinka uu soo amaahday oo gabaabsi ka sii ah, maaddaama uusan hayn kayd dhaqaale. Faro-marnaanta ninkan waxaa u wehlisa in uusan lahayn xirfad kale oo uu ku shaqaysto.

Sidoo kale arrintan waxaa  ku shaqo beelay kalluumaysatada gobolka Bari oo isticmaali jiray waddadan. Cali Cismaan Cabdulle oo ka mid ah kalluumaysatada deegaanka Geesalay, wuxuu sheegay in muddada ay go’antahay uusan wax kaluun ah iib gayn.

Cali oo ah aabbaha siddeed carruur ah wuxuu ka walaacsan yahay inuu ku fillaan waayey maaraynta nolosha qoyskiisa. Waxaa isku raacday baddo oo kacsan oo uusan kaluun badan ka soo heli jirin iyo iib la’aanta inta yar ee uu helo.

Wuxuu sheegay in xirfaddiisii kalluumaysiga oo uu ku soo  shaqaysanayay muddo 15 sano ah uusan u shaqo tagin muddo bil ka badan, maadaama uu waayay gaadiid uu ku iib-geeyo wax soo saarkiisa.

Qoyska Cali ayaa hadda ku tiirsan raashin min toban kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ah oo uu u soo dhiibay 25 bishii hore nin walaalkiis ah oo deggan degmada Caluula oo u jirta 9 km. waxa ay karsadaan hal waqti oo ah habeenkii. Ninkan oo aan lahayn il kale oo dhaqaale ayaa ka walaacsan xaalka reerkiisa haddii aan waddadu furmin.

“Waddo la’aantu wax badan ayay saamaysay meelo badan oo wax noo soo mari jireen ayaa waxba noo soo marin hadda. Marka sidaas awgeed ayay saamayn noogu yeelatay buundadii ay wax nooga soo gudbi jireenna waa taas xiran, waddooyin ka laffo goronyo iyo xoogaadi iyaguna waa waddooyin dhib badan, marka dhibaato xooggan ayay nagu haysaa.”

Guddoomiyaha degmada Caluula Cumar Cismaan Siciid ayaa sheegay in ay diyaariyeen 300 rag ah iyo labaatan gaari oo carro gadiyayaal ah oo todobaadkan billaabi doono dhismaha buundada. Wuxuu xusay in dhaqaalaha iyo ciidanka ay u baahantahay dhismaha buundadu aysan wada awoodin, balse ay sii bilaabayaan, maadama ay nolosha dadku  ku xirantahay.

“Waxaan hadda ku billawnay barnaamij iskaa wax u qabso ah oo aan waddada ku furi doono dawladda ayaana hormuud u ah. Haddii arrinta waddooyinka wax laga qabto gobolkan gobolka ugu barwaaqada badan Soomaaliya oo dhan ayuu noqonayaa. Gacanta ayaana hadda kula jirnaa.”

Waa markii ugu horraysay ee uu sidan u istaago isku socodka degmada iyo deegaanada hoos yimaada tan iyo markii buundadaan ay dhistay dawladdii milatariga ahayd ee Soomaaliya soddon sano ka hor.  Burburkan ayaa soo gaaray dhawr jeer oo hore walaw aysan gaar siisnayn heerkan oo kale. Sida uu sheegay guddoomiye Cumar.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.