Wednesday, May 01, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Bakool: Qoysas colaad iyo abaar ka barakacay oo wajahaya xaalad nolol xumo oo ku haysata tuulada Dhuurey oo ay maciin bideen

Kaydka ergo

Shan boqol oo qoys oo bartamihii bishan May ku barakacay deegaanka Dhuurey oo ka tirsan degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool ayaa wajahaya xaalad cunno xumo iyo hoy la’aan. Dadkaan waxay dulsaar ku yihiin qoysas ku nool magaalada Dhuurey oo ku quudiya raashin ay iska soo aruuriyaan, kaas oo aan dabooli karin culeyska haysa haysta.

Waxay ka soo carareen abaar iyo go’odoon isku biirsaday, maadama ay ku noolaayeen tuulooyin ka tirsan gobolka Bakool oo ay maamulaan kooxda Al-Shabaab. Guuraay Adan waxay kamid tahay qoysaskii ugu horreeyay ee ku soo barakacay deegaanka Dhuurey, si ay nolol wanaagsan u helaan iyada iyo qoyskeeda.

Haweyneydaan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in carruurteeda ay u awoodi la’dahay inay u hesho cunno ku filan oo ay siiso, xaaladda ay ku sugan yihiin darted.

“Wixii aan reer Dhuurey ka helno ayaa ku nool nahay. Gargaar ayaan u baahanahay, hay’adda ayaan uga baahanahay.”

Guuraay waa hooyada toban carruur ah oo la qabsan la’ duruufaha is biirsaday ee xerada ka jira tan iyo markii ay timid halkaan.

Waxa ay sheegtay in markii daymo badan looga yeeshay dukaan cuntada bisil lagu iibiyo oo gaaraysa $650 ay go’aansatay in ay joojiso, maadaama ay ku adkaatay bixinta lacagtaas. Iyada iyo qoyskeeda waxaa yimaadeen xeradaan, taas oo rejo ay ka qabaan inay gargaar ka helaan hay’adaha samafalka ee ka howlgala gobolka.

Dhibaatooyinka ay wajahayaan qoyska Guuray kaliya ma ahan cunno xumada ka jirta xerada. Intaas waxaa u sii dheer hoy la’aan ku haysta xayndaabka ay soo dugaashadeen ee deegaankaan.

“Cidda gogol ma’ haysato. Digsi ma haysato. Caagadihii wax ku cabi la haayeen ma haystaan xittaa. Wax ay haystaan maleh.”

Markii abaarta gobolka ku dhufatay afartii sanno ee ugu dambeysay ay uga le’deen labo boqol oo neef oo ari ah iyo boqol lo’ ah ayay sheegtay inay noqdeen dad faro maran oo waxba gacanta aysan ugu jirin.

Wixii markaa ka dambeeyay waxaa ay noqdeen dibadyaal dawarsada dadka dariska kula ah deegaanka, si ay u badbaadiyaan nolosha carruurtooda oo aan baahida u adkaysan Karin.

Ugu dambeyn safar socod oo bilaa gaadiid ah ayay ku yimaadeen xerada loo asteeyay dadka soo barakacay ee deegaanka Dhuureey.

Qoyska Guuraay oo xoolo-dhaqato ahaa ayaa ka soo barakacay siddeedii bisha May ee sannadkaan tuulada Dhanaawe oo ka tirsan degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool oo xeradan u jirta fogaan dhan 32 km.

Haweyneydaan iyo qoysaska kale ee la midka ah waxay ka soo barakaceen tuulooyinka Dhanaawe, Qoox, Dhiigley iyo Buurdhuxunle. Oo ka kala tirsan degmooyinka Rabdhuure iyo Waajid ee gobolka Bakool.

Dadkaan soo barakacay ee yimid xerada ayaa iskugu jira carruur iyo haween nugul oo aan u adkeysan karin gaajada iyo harraadka ka jira deegaannadooda, waxayna taasi ka doorbideen inay magaalada yimaadaan si ay ula qabsadaan jawiga barakaca.

Marka laga yimaado cunno yarida hoy la’aanta ayaa ah caqabad kale oo meesha ka jirta. Qoysaska qaar ayaa ku hoyda geedaha hoostooda maadama ay halkan yimaadeen iyaga oo gacmo maran.

Nuuriye ismaciil Xasan ayaa ka mid qoysaska wajahaya hoy la’aanta. Tan iyo siddeedi bishan waxay iyada iyo carruurteeda seexdaan geed hoostiis, kaas oo xitaa aysan ku haysan wax gogol ah.

Waxay xustay inay halkaan yimaadeen iyaga oo waxba meel ku ogayn. Sidookalena ay ku dhib qabaan helitaanka hoy hagaagsan.

“Geedaha ayaan seexanaa. Gogol ma haysanno. Maradeena ayaan ku seexannaa. Nolol kuma haysanno. Hadda intii aan halkan ku soo barakacnay wax muslimka aan soo gaarnay na siiyay mooyee wax kale ma cunno.”

Haweyneydaan waa hooyada sagaal carruur oo agoon ah oo ay kali ku tahay barbaarintooda sida ay Raadiyow Ergo u sheegtay.

Dadkaan ku soo barakacay deegaanka Dhuurey waxa ay kali ah ee ay ka heli karaan nabadgalyo iyo biyo joogto ah, maadaama halkaan laga heli karo ceelal biyoodyo aan gurin xittaa xiliyada oomanaha ah.

Nuuriye waxaa ay sheegtay in abaar iyo go’odoon ka jirtay deegaannada ay ka yimaadeen darted ay ku qasabtay iyada iyo carruurteeda inay ku soo dhiiradaan imaatanka xeradaan, si ay u helaan nolol dhaanta tii ay ka soo baxsadeen.

Haweyneydaan waxay Raadiyow Ergo ugu warbixisay sida ay abaarta ka jirtay gobolka Bakool u saameysay noloshooda.

“Geeli waa naga dhamaaday. Arigi waa naga dhamaaday. Abaarta ayaa nagu dhacday, beerna nooma bixin. Ciyaalka biyo iyo wixii qashin ee la arko ayay iska cunayeen nolol xumadaa ayaa nagu dhacday.”

Nuuriye oo 45 jir ah waxay ka soo barakacday siddeedii bisha May tuulada Buurdhuxunle ee gobolka Bakool, markii uu ka baxay saddex todobaad ka hor neefkii ugu dambeeyay ee ugu soo haray labo boqol iyo kontan neef oo ari ah,oo ay ku tiirsanaayeen noloshooda sanadihii dambe.

Xasan Cabdi guddoomiyaha deegaanka Dhuurey oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in qoysaska barakaca ah ay maalin kasto ay sii kordhayso tiradooda, ka maamul ahaana ay awoodoodu tahay inay u sameeyaan dib u dajin oo kaliya.

Hay’adaha samafalka ee ka howlgalo maamulka koonfur-galbeed ayuuna ka dalbaday inay gargaar degdeg la soo gaaraan qoysaskan ay ku adeg tahay xaaladda.

“Baahida ugu weyn ee meeshan ka jirto waa cunto la’aan iyo guri la’aan. Wax hoy oo la wato maleh. Waa dad meel deganaa oo ka soo tagay hoygoodi iyo weelashoodi iyo alaabtoodi ka soo barakacay. Waxa ka soo barakiciyay waa baahi darted.”

Xassan ayaa xusyay in tan iyo bilowgii sannadkaan  qoysas xoolo-dhaqato iyo beeraley isugu jira ay ku soo barakaceen deegaanka uu isaga masuulka yahay ee Dhuurey oo degmada Rabdhuure oo hoos-taga.

Wuxuu sheegay in intooda badan ay yihiin dad xoolihii ay abaarta ka dhammeysay iyo qaar tacabkoodii uu u istaagay roob la’aan ka jirtay tuulooyinka ay ku noolaayeen.

Dhowritaankooda ugu dhow waa dhawaaq ka yimaada hay’adaha gargaarka oo taakulo naf badbaadin ah la soo gaara noloshooda.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.