Thursday, May 16, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Bakool: Haween billaabay ka ganacsiga hilibka geela markii abaar ay saameysay qoysaskooda

Bakool: Haween billaabay ka ganacsiga hilibka geela markii abaar ay saameysay qoysaskooda
Maryan oo iibinaysa hilibka geela/Maxamuud Cabdirishiid/Ergo

by Jibril Osman

Maryan Maxamed Dubbad iyo afar kale oo haween ah ayaa geed hoostiis ku ligligaya hilibka neef geel ah oo ay hilibkiisa iibinayaan. Goor barqo ah ayaan kula kulmay iyagoo qalaya neefkii labaad ee toddobaadkaas ay hilibkiisa iibinayaan. Meeshu waa degmada Washaaqo ee gobolka Bakool.

Haweenka oo isku deegaan ah ayaa iska kaashaday hirgalinta iibinta hilibka. Hindisahan oo deegaanka ku cusub ayaa ah shaqo aan dumarka lagu aqoon. Ma haystaan kawaan iyo meel dadan oo ay geela ku gowracaan ama ku gadaan, maaddaama ay la daalaadhacayaan helista nolol-maalmeedka.

Maryan ayaa sheegtay in raashin labo waqti ah oo iidaan leh u hesho carruurteeda oo 10 ah. Waxaa u suuragaliyay ka ganacsiga hilibka oo ay waddo tan iyo bishii Juun sanadkii hore.

“Annaga noloshaanadii way is beddeshay deegaankaannagiina hormar ayaan u sameeynay oo beddelay oo in wixii horay loogu jiray laga baxay ayaan ka dhignay.’’

Haweeneydaan oo 43 jir ah, waxay shaqada xoolo-qalista ku billowday lacag $50 oo ay ka heshay markii ay suuqa geysay afar neef oo ari ah. Waxay uga hareen boqol iyo sideetan ari ah oo qoyskeeda uu ku dhaqanayay tuulada Dooriyaan oo ka tirsan degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool.

Bishii Abriil ee sanadkii 2022 oo qoyska Maryan uu barakac ku yimid degmada Washaaqo ayay sheegtay in aysan helin kaarar ay gargaar ku bixiyaan hay’adaha samafalka ee ka gobolka ka shaqeeya. Waxay xustay inay magaalada u yimaadeen si ay carruurta quudin ugu helaan, laakiin ay ku hungoobeen rajadii ay ka qabeen inay gargaar helaan.

Maryan ayaa sheegtay in ka hor inta aysan billaabin shaqada uu qoyskeedu ku tiirsanaa kaalmo aan cayimnayn oo saygeedu ka heli jiray qaraabadeeda. Waxay ku faraxsan tahay inay ku filnaatay maareynta noloshooda.

“Runtii waxaan ahayn horta xoolo-dhaqato. Shaqada maxay ahaydee ganacsiga ama dukaamada leh ama nuucyada kala duwan leh xirfad uma aanaan lahayn, haddaan soo galnay marka shaqadan oo bannaan baan marka annaga qabsannay oo aan nidhi tan aan ka shaqeysanno tan baa bannaane.”

Maryan iyo haweenka kale ayaa todobaadkii qala hal ama labo neef oo geel ah. Waxay xustay in marka ay neef qalaan ay ka hesho lacag u dhaxeysa $35-40 oo faa’iido ah. Cunno helistooda ka sokow, waxay awood u yeelatay inay $25 ka bixiso shan carruurteeda ah oo dhigta iskuul lagu barto luuqadaha iyo xisaabta.

Kooxdan haweenka ah ee isku bahaystay ka ganacsiga hilibka geela ayaa isugu jira kuwo haysta carruur agoon ah iyo kuwo aysan ragoodu shaqo hayn. Waxay ka mid yihiin qoysaskii abaarta ku xoolo-beelay sannadihii 2020-2021.

Xoolaha ay qalaan ayay ka soo iibiyaan deegaanno u jira ugu yaraan 60 km. Waxaa u sabab ah abaarta ku dhufatay deegaanka Washaaqo oo xoolo dhaqatadii ay ku qasbanaadeen in xoolahooda ula hayaamaan gobollo kale sida Bay iyo Shabeellaha hoose, halkaas oo ay u arkeen in xoolaha uga soo haray abaarta ay ugu nagaan karaan.

Sacdiyo Maxamed Buule oo ay Maryan wada-shaqeystaan ayaa sheegtay inay dedaal badan ku bixiyeen sidii uu miro-dhal u noqon lahaa fikraddan ganacsi ee ay maanta noloshooda ku tiirsan tahay.

Waxay tilmaantay inay ku baraarugsan yihiin caqabadaha dabri kara dhaqdhaqaaqooda ganacsi, maaddaama masaafo ka fog ay xoolaha ka helaan. waxay raadiyaan tallaabooyin ka caawiya inay ku guuleystaan shaqadooda. Iyagoo og inaysan jirin cid kale oo kaalmo nololeed siin karta ayay doorteen shaqadaan adag qabashadeeda.

“Xoolaha waxaan ku iibsannaa anaga haween ayaan nahay magaalada kama dhax-baxno moobeel (taleefan) baan ku raadinaa, moobeel marka aan ku raadinno sida ay yihiin baan u soo gadanaa hadduu neef xun naloo soo gado, hadii neef fiican naloo soo gado siduu yahay baan ku wadnaa neef walbo, qiimihii na loogu keenay baan haddana ku sii gadnaa oo wax kaga raadinaa.”

Sacdiya oo ah hooyada lix carruur oo agoon ayaa sheegtay inay ku dhiiratay shaqadaan, markii ay abaartu ka dhammeysay ari hal tiro ah oo ay dhaqanayeen.

Markii uu ninkeeda geeriyooday 2016, waxaa ku adkaatay sidii ay u maareyn lahayd nolosha carruurteeda, maaddaama uu meesha ka baxay kaalintii odayga qoyska.

Halgan dheer kaddib, wax weyn ayay uga dhigan tahay in carruurteeda ay helaan quraac iyo casho joogta ah. Helitaanka nolol maalmeedkaan waxaa ka caawiyay shaqada xoolo-qalka.

Qoyska Sacdiya awood uma lahayn inay joogto u helaan hal waqti oo cunno ah. Dufuurtaas ay soo martay ayay sheegtay inay aayar aayar uga soo kabatay markii ay ka dhabeysay go’aankeeda inay shaqeysato ahaa.

“Nolosha qoyskeyga si fiican abaar xun baa la soo maray. Walaahi abaarta in ay jirto iyo in kale maanan ogeyn. Hilibkaa unbaa carruurteyda ku maareynaayay. Hadaan maraq uga dhigaayo iyo hadaan oodkac uga dhigaayo iyo taan unbaa ku maareenayay.”

Waxa ay sheegtay in wixii ka dambeeyay bishii Juun ee sanadki hore oo ay halka ay hilibka ku iibiyaan timid uu ka baxay walwalki ka haystay halka ay ka heliyaan nolol maalmeedka. Waxay xustay in maalmaha qaar oo ay cunno u wayso carruurta ay dadka magaaladu ku caawin jireen raashin aan bisleen iyo saliid si ay dabka ugu shitaan.

Haweenkan oo ay saameeynta abaarta ku qasabtay ku biirista suuqa hilibka lagu iibiyo ayaa dadka magaalada kala kulmi jiray hadallo aan dhagahooda u wanaagsanayn oo lagu durayyo ka shaqeynta iibinta hilibka sida ay Sacdiyo sheegtay.

“Dadka deegaanka waxaay noo arkaan. middiyo dheer bay na dhahaan. Laakiin, Alxamdulilaahi rabil caalamiin hilibka marka aan keeno si fiican baa loo cunaa oo loo waxeeyaa, marki uu neefka naga maqanyahayna way nagu xumeeyaan. Waxaasna anagu dhag uma dhigno oo shaqaan u aragnaa. Magaaladeena inaan soo kobcinno oo kor u soo qaadno ayaan rabnaa oo kawaan wayn inoo noqoto.”

Hubanti la’aanta cunno ee abaaruhu ay badeen qoysaska reer-guuraaga ah ayaa horseeday in badankood ay maciin-bidaan xeryaha magaalooyinka, laakiin taas kama dhigna in qoys kasta uu helay hamigisii nololeed iyo mustaqbalka carruurtiisa.

Haweenka ayaa dowr fiican ka qaata cunno u helista carruurta marka ay yimaadaan xaaladaha barakaca, iyagoo qabto shaqo kasta oo ay u arkaan inay nolosha ka soo dhacsan karaan, si walba oo ay u adag tahay.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.