Friday, May 03, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Badbaadada Jiritaanka Dawlad Goboleedka Puntland

W.Q. Mustafe Cabdiqani Yuusuf

Madaxweyne Dani

Waa nasiib darro aad u weyn oon horey taariikhda Puntland u soo marin mudaddii 25ka sanno ahayd ee ay jirtey. Waxaa la yaab leh habdhaqanka madxaweyne Siciid Cabdullaahi Dani, haddana ah musharax madaxweyne in uu aaminsanyahay in sharciga iyo nidaamka Puntland uu hadalkiisa iyo damaciisu ka sarreeyo, Puntland waxuu u haystaa in ay tahay jasiirad uu boqor u yahay oo hadalkiisuna yahay sharci.

Tusaale waxaa u ah handhaqankiisa boqortooyada ah, inta uu dagaalo laga maarmi karay ka riday magaalooyinkii ugu waaweynaa Puntland sida Boosaaso, Qardho, Garrowe iyo Gaalkacayo. Xulitaankii Xildhibaannada Federaalka ee Baarlamaanka hadda fadhiya, isaga ayaa iska qortey oo ka faramaroojiyey isimadii iyo cuqaashii soo xuli jirtey. Waad ogeydeen in laba saacadood gudahood Boosaaso ka soo saarey 16 Xildhibaan oo hal Guurti soo dooratay. Sidoo kale waad la socoteen sida uu Gaalkacayo, qardho iyo Garawo ka yeeley illaa heer uu gaarey in beelaha qaarkood kuraastoodii uu siiyey beelo kale.

Shan sano ka hor nidaamkii uu ku yimi in uu doorasho ku galo ma aqoonsano oo waxuu rabaa mid isagu sameystey in uu dadka Puntland ku qasbo. Waxuu habeen hore iska soo saarey liisto 66 Xildhibaan oon haba yaraatee marin wax habraac ah. taas oo toos uga soo horjeedda go’aankii Isimada Puntland ee ahaa in 49 Xildhibaan la soo xulo. Maadaama uu keligiis soo qortey Murashax Dani oo aan habraacii la soo marin, xataa waxaa suuragal ah in ay ku jiraan dad aan buuxin karin shuruudahiilooga baahnaa xildhibaannada Puntland. Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka wax uu kala socday majirto taas oo keentey in uu iska casilo Xilka. billowga sannadkan cusub 10101/2024 waxay isimada Puntland mar labaad ku dhawaaqeen in dalka la badbaadiyo,oo musharax Dani u hoggaansamo go’aanka Isamada iyo doondda murashaxiinta kale si wadar oggol loo helo.

Maadaama uu bannaanyahay kursigii madaxweynuhu oo lagu jiro doorasho, ciidamada qalabka sida nooc kasta ooy yihiin iyo hay’adaha dawladdu kama amar qaadanayaan marashax Dani ee shaqadooda ayey u wadanayaan si dhexdhexaad ah oo murashaxiinta u siman. Taasi waa dhaqanka adduunka dhan laga isticmaalo xiliga kala guurka, sababtuna waxay tahay si loo hubiyo amniga iyo in aan awoodda dawladda aanay noqon aalad musharx gaar ah u shaqeysa.

Xulashadda Murashaxiinta Wakhtiga Khataro Masiiri ah Jiraan

Xaaladda Puntland hadda ay gashay waa mid khatar ah isla markaana masiiri ah oo haddaan xal degdeg loo helin meel fog laga raadin doono. Puntland khasaare waxaa ugu filan inta uu gaarsiiyey Murashax Mudane Dani shantii sano ee uu kursiga Madaxweynaha hayey. Gudaha Puntland waxaa lagu xasuusan doonaa colaado ay dad badan ku nafwaayeen, qaarna ku qaxeen iyo dhaqaalihii oo dumey, haddana wixii wax ka daran ayuu birta u tumanayaa. Xagga la macaamilka Dawaladda Federaalka waxuu noqday mid diidmo mooyaane farsamo siyaasadeed aan lahayn oo danta shakhsiga ay kala weyntahay tan caamka ah, isagoo ay maskaxdiisa go’i la’dahay in xilka R/Wasaare aan loo magacaabin isaga.

inkastoo madaxeynaha Puntland ay doortaan Xubnaha Baarlamaanka haddana weynu ognahay in dhaqanka Murashaxiintu yahay in ay iibsadaan codadka Xubnaha Baarlamaanka, taas ooy sabab u tahay xubnaha oo aan ku imaan Xisbiyo uu dadweynuhu u codeeyey. Inta qabiil lagu dooranayo Xildhibaanka cudurkani waa mid aan la noolaanayno ha noqoto doorasho heer Faderaal iyo mid Dawlad Goboleed.

Xildhibaannada waxaa looga baahanyahay in cidday rabaan lacag ha ka qaateene ay u tudhaan Puntland ooy doortaan ninka ugu waayo aragsan xagga Dawlada Federaalka iyo tan Puntland – lama joogo wakhti nin cusub ku tababarto.

Md. Cabdiweli Gaas

Markaan eegey Xubnaha Murashaxiinta fikirkayga waxay ila tahay in Mudane Cabdiwali Gaas maanta yahay Musharaxa samatabixin kara Dawladda Puntland ee jarka ka laadlaada si la mid ah dagaalkii 2aad ee dunida sida Winston Churchill uu u samata bixiyey dalka Boqortooyadda Ingriiska oo markaa Jarmalku qabsan rabay ka dib markii uu Dawladda Mareykanka oo dhexdhexaad ahayd isaga oo diblamaasiyad isticmaalaya soo galiyey dagaalka.

Aniga shakhsiyan waxaan xogogaal u ahaa arrimobadan oo Md gaas muddadii xilka hayay si hufan ugu guuleystay. Arrimahaas waxaan ka soo qaadan karnaa in markii ugu horeysay Soomaalia gudaheeda Xildhibaannada heer Federal lagu soo xulo, Dastuurka KMG ah la ansixiyo sidaasna looga guurey Dawladdii KMG oo la noqday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo la aqoonsanyahay. Waxa kale oo xusid mudan markii uu madaxweynaha Puntland ahaa in uu mar walba ahaa nin aan kursiga ka kicin oo arrin walba wadahadal ku dhammeeya. Tusaale, waxaan goob joog ahaa u Xulashadii Baarlamaanka 10aad ee dalka oo lagu soo dooranayey qaabka 4.5 in uu diiday Dr. Abdiwali isaga oo cuskanayey heshiiskii Garrowe2 oo dhigaya in Baarlamaanka 9aad wixii ka danbeeya xildhibaannada in lagu soo doorto habka axsaabta badan. Markuu arkay in ay adagtahay in la isku raaco fikirkiisa shirka kama kicin ee gorgorton ayuu la galay xubnihii kale ee madasha, waxaanu ka dhammeeyey in Aqalka Sare la dhiso taas oo wadar oggol lagu yeeley.

Haddaan qor is iraahdo inta aan ka bartay Musharax Cabdiwali Gaas waxay noqon buug dhan laakiin waxaan ku soo gaabinayaa maanta waa ninkeedii oo waa nin waaya-araga ah, miiska wadahadallada aan ka kacayn oo haddii arrinta uu wato lala qaadan waayo wax ku badasha oo diblomaasiyad isticmaala (negotiator ), waa nin nabadeed oo aanay dhaceyn in magaaloyinka Puntland lagu dhex dagaalamo, mana aha nin oranaya aniga tayda kaliyaa sax ah waana mas’uul kaabayaasha dhaqaalaha mudnaanta siin doona.

W.Q. Mustafe Cabdiqani Yuusuf

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.