Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Baarlamaanka Puntland oo doortay Guddoomiye Cusub

Garoowe ( WDN)-  Waxaa maanta ka dhacay xarunta Golaha Baarlamaanka Puntland, doorashadii Guddoomiyaha cusub ee Golaha Baarlamaanka Puntland, kadib markii ay xildhibaaanada Puntland ay  bishan Noofember 7-dii,  mooshin xilka kaga qaadeen guddoomihii hore Md. Cabdixakiim Dhoobo.

Gudoomiye Cabdirashiid Y. Jibriil ( Abwaan)

Waxa golaha ka soo xaadiray 63 xildhibaaan, halka saddex ka mid ahi ay ka maqnaaayeen.

Xilka golaha Baarlamaanka  Puntland, waxaa u tartamay saddex musharrax oo kala ah: 1) Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), 2) Cali Axmed Dhahar  iyo  3) Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Waxa wareegi labaad iskugu soo hadhay Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo helay 17 iyo guddooomiyaha cusub  Cabdirashiid  Yuusuf Jibrill oo helay 46 cod.

Waxa isla maanta la dhaariyay gudddoomiyah cusub ee Golaha Baarlmaanka Puntland Md. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.