Garoowe ( WDN)- Waxaa maanta ka dhacay xarunta Golaha Baarlamaanka Puntland, doorashadii Guddoomiyaha cusub ee Golaha Baarlamaanka Puntland, kadib markii ay xildhibaaanada Puntland ay bishan Noofember 7-dii, mooshin xilka kaga qaadeen guddoomihii hore Md. Cabdixakiim Dhoobo.
Waxa golaha ka soo xaadiray 63 xildhibaaan, halka saddex ka mid ahi ay ka maqnaaayeen.
Xilka golaha Baarlamaanka Puntland, waxaa u tartamay saddex musharrax oo kala ah: 1) Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), 2) Cali Axmed Dhahar iyo 3) Cabdijamaal Cismaan Maxamed.
Waxa wareegi labaad iskugu soo hadhay Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo helay 17 iyo guddooomiyaha cusub Cabdirashiid Yuusuf Jibrill oo helay 46 cod.
Waxa isla maanta la dhaariyay gudddoomiyah cusub ee Golaha Baarlmaanka Puntland Md. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
WardheerNews
Leave a Reply