Baarlamaanka Hirshabeelle oo Doortay Madaxweyne Cusub

Maxamed Cabdi Waare

Maxamed Cabdi Waare ayaa  ku guuleystay doorashada madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta ka dhacday magaalada Jowhar. Mudane Waare ayaa helay 74 Cod halka musharaxii la tarmayay ee ay isugu soo nbaxeen wareegii kamadambeysta ahaa Md, Daahir Cabdulle Cawaale uu ka helay 23 Cod, iyadoo wadarta xildhibaanada goobta ku sugnaa ay ahayd 97 mudane sida uu shaaciyay guddoomiyaha Baarlamanka Hirshbeelle Cismaan Barre .

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa isku gedaamay madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdi Waare, si ay u sugaan ammaankiisa.

Madaxweynaha la doortay oo madasha lagu dhaariyay ayaa khudbaddiisii waxa uu ugu  mahadceliyay xildhiabaanada doorashada ay u doorteen Madaxweynaha Hirshabelle.

Maxamed Cabdi Waare, ayaa intii ay socotay ololaha doorashada ayaa waxa uu ku celcelin jiray in ay dowladda Soomaaliya la safan murashax gaar ah.

Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle oo ay horyaallaan hawlo culus  ayaa la filayaa inuu si dhaqso ah ku soo dhiso golaha wasiiradda dowladdiisa cusub.

Doorashadan ayaa soo afjartay safar dheer oo ka soo bilaawday markii xilka maamulkaasi laga eryay madaxweunihii hore ee Cosoble.

Dhanka kale waxaa deggan xaaladda Haanta Dheer ee degmada Hodan oo ay maanta ku dagaalameen ciiddan ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana dirirtaasi ka dhashay qasaara kala duwan oo soo gaaray shacabka iyo dhinacyadii dagaalamay.

Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews, Muqdisho.