Ra’iisalwasaare Saacid oo Shaqada laga Eryay

Xildhibaano-640x4241Muqdisho, Disember 02, 2013 (WDN)- Ka dib muran soo jiitamayay bilihii ugu dambeeyay oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisalwasaarihiisa Md. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa sababay ugu dambeyntii in maanta baarlamaanka Soomaaliya ay kalsoonida kala noqdaan ra’iisalwasaare Saacid.

Mudanayaasha baarlamaanka Federaalka oo labadii maalmood ee ugu dambeysay ka arrinsanayay khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha, ayaa cod gacan taag ah u qaadday mooshin la xiriiray kalsooni kala noqoshada xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Md. Saacid.

Natiijada codkii loo qaadday mooshinka kalsooni-kala-noqoshada xukuumadda oo guddoomiyaha baarlamaanka fedraaalka Soomaaliya, Md. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ku dhawaaqay, ayaa u dhacday in 259 xildhibaan oo codkooda dhiibtay, ay 184 ka mid ahi ogolaadeen in xukuumadda kalsoonida lagala noqdo, halka ay kasonidooda ka siiyeen xukuumadda 64 xildhibaan oo kaliya, iyadoo islamarkaana aysan jirin cid ka aamustay.

Warka, ayaa waxa uu intaas ku darayaa in guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Md. Jawaari uu goobta ka  sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu sii wadan doono hawshiisa tan iyo  inta uu madaxweynuhu ka soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub.

Arrinta kalsooni-kala-noqoshada xukuumadda, ayaa waxay soo afjaraysaa murankii u dhexeeyay madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha iyado hadda ay xusulduub ugu jiraaan shakhsiyaad badani sidii ay u buuxun lahaayeen xilka uu banneeyay ra’iisalwasaare Saacid.

Wardheernews