Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Baaqa Dhaqdhaqaaqa Mar Kale Midnimo (MKM): Aragtida, Hawl-galka iyo Ujeeddooyinkiisa, iyo sababta dabada ka riixaysa

1) Gogoldhig

Markii Soomaaliya madaxbannaanida heshay iyo midnimadii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur waxa dhaliyey yuhuun iyo dareen wax wada doonaya oo isku duubnaa. Waxa dedaalkaas lagu beegsanayey waxtar nololeed, dawlad xoog iyo haybad huwan oo hadafkeedu yahay horumarinta nolosha intii Jamhuuriyadda cusub ku hoos jirtey iyo gaadhidda wixii hiyiga lagu hayey oo ahaa xoraynta Soomaali oo dhan iyo isla doonashadeeda. 

Wax badan oo Soomaalida u qabsoomay waxa xagal-dhaaciyey oo wiiqay ama burburiyey maamul xumidii, qabyaaladdii iyo musuqii lagu ballaysimay dawladnimada (1960 -1969), kelitalisnimadii xadhkaha goosatay ee ka dambeysey (1969 – 1991), dagaallaadii sokeeye ee waddanka ka dhacay, kuna sii riiq dheeraaday iyo kala daadahashadii weynayd ee qarannimadii Soomaalidu wada lahayd (1991 – 2020).

Somaliland waxa ay ka soo dhex baxday burburkaas guud ee Soomaaliya gabagabeeyey, siina xoogaystey markii ay meesha ka baxday awooddii dhexe ee dawladeed ee Soomaaliya 26 January 1991. Somaliland waxa, dabadeed, ka hirgalay oo lagu guuleystey wada hadallo dhexmaray beelihii Waqooyi, waxana ka tisqaaday nabad iyo degganaan lagu naallooday, marka loo eego Koonfur oo dagaallo kala dabeecad ahi ka sii hulaaqeen, naafeeyeen na. Somaliland waxa kale oo ka hanaqaaday yagleelka haykalka iyo hay’ado dawladeed, kuwaas dhanka Soomaaliya ka soo daahay. Dastuur la ansixiyey iyo taabba-gelinta axsaab siyaasadeed oo u kaltama hoggaaminta dalka iyo doorashooyin dimoqraaddi ah oo ‘hal qof iyo hal cod ah’ ayaa soo qabsoomayey, taas oo aan weli Koonfur ka dhicin.

Guulahaas ay Somaliland gaadhey waxa maanta ku yimi hoos dhac weyn oo si degdeg ah isu soo taray 10-kii sano ee u dambeeyey (2010 – 2020). Horumarkaasi waxa ku yimi quwed-jab, wadnaha na waxa farta lagaga hayaa dalcaddii uu fananayey in uu ka soo siibto, haddii aan la helin feker iyo aragti cusub oo ka duweysa jidkaas lagu sii hungoobayo 30 sano ku dhowaad, ka dib, gooni isu taaggii Somaliland ee 18 May 1991.

Maamul xumo sida caddaalad darro baahsan, sharci la’aan, musuq, boob, eex iyo qaraabokiil ayaa nugleeyey garashadii iyo fahamkii dawladnimo oo ka yeelay mucsur qaawan iyo  isir marba kooxda mindida daabka haysaa ay sidii ay doonaan ugu takrifalaan awoodda iyo hantida yar ee ummadda saboolka ah.

Dhinaca Soomaaliya waxa ka dhisaalan xaalad amni darro ah oo shin dhaaftay, kala fogaansho ka dhex hanaqaadaya xukuumadda dhexe iyo maamullo goboleedyada hoos yimaadda oo meel ba’an maraya. Xukuumaddu waxa ay ku fashilantay isu soo dhowaynta dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada iyo hanashada quluubta dadka. Kalsooni darro ayaa bulshadaas ka dhex hanaqaadday, sida ay taas oo kale na (kalsooni-darro) uga dhex kacaamayso Somaliland.

Muddo saddex sano ah oo ay talada haysey, xukuumadda FS waxa ay baylihisay fursado badan oo dibuheshiinta iyo isu soo dhoweynta bulshada ku saabsan, gaar ahaan inta koonfurta ku wada dhaqan. Fahamka xukuumadda dhexe ee midnimo Soomaaliyeed oo ‘mar kale ah’ oo aan wacnayn, marka la eego sida ay Somaliland ula macaamishay sanooyinkii dambe, iyada oo ka  faa’iideysanaysa aqoonsiga beesha caalamka ee ay heshay iyo is go’doominta siyaasadeed ee xukuumadda Somaliland.

Isirradaas dusha ka muuqda ee labada dhinac waxa ay caddaynayaan fashil weyn oo labada maamul ba ku soo fool yeeshay, taas oo dabada ka riixaysa jiritaanka welwel iyo damqasho la xidhiidha sida uu u ekaanayo mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed ee muddada dheer degganaan la’aanta iyo dibudhacyada la daalaadhacaysa tobanka sano ee soo aaddan (2020 – 2030), haddii aan la helin xeelad iyo tab kale oo taas lagaga baaqdo.

Haddaba, iyada oo laga dab-qaadanayo, fashilka hoggaamineed ee labada dhinac iyo is beddellada waaweyn ee gobolka Geeska Afrika ka socda, waxa uu Dhaqdhaqaaqa ‘MKM’ ugu muuqataa in loo baahan yahay in la abuuro aragti cusub iyo qorshe maskax furani ka dambayso oo waxtar ku kordhinaya xidhiidhka bulsheed iyo cuyubta siyaasadeed ee dhex taalla Somaliland iyo Soomaaliya, lagu na qaabili karo is beddelka gobolka.

Dhaqdhaqaaqa ‘MKM’ waxa uu aqoonsan yahay in uu ka midho-dhalin karno in uu xoojiyo waraabinta iniintii qaadhsanayd ee geedka midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo ka qayb-qaadashada dhismaha iyo hirgelinta dawladnimo Soomaaliyeed oo casri ah, waxna ka beddesha nolosha bulshada Soomaaliyeed, la na timaaddo siyaasad iyo qorshe lagu la falgeli karo is beddelka socda ee gobolka iyo caalamka.

Kala qaybsanida Somaliland gudaheeda ama Soomaaliya dhexdeedu, waxa ay sii durkinaysaa, daahinaysaana sidii labada dhinac isugu soo dhowaan lahaayeen. Dhaqdhaqaaqa MKM waxa kale oo uu aqoonsan yahay in muraayaddii qalbiga bulshada Soomaalida ee dabaqa dheer ka soo dhacday ee laamiga ku kala daadatay in la soo ururiyo oo la kabkabo ay ka fududdahay in muraaayad cusub la sameeyo.

Sidan lagu soo jirey 30 sano ku dhowaadkii u dambeeyey, labada dhinac ba kuma sii jiri karaan. Baahi baa loo qabaa in la beddelo jihooyinkii loo socdey. Waxa la bilaabi karaa saldhig laga duulo oo cusub oo ah Somaliland oo gooni isu taagga ka hakata iyo Soomaaliya oo federaalnimada iyo dastuurka qabyo-qoraalka ah (4.5) hakisa, ka dib na laga wada hadlo oo lagu heshiiyo wax la wada yeesho oo ka duwan sidii 1960-kii dhacday ee fashilkan weyn keentay.

Dhaqdhaqaaqa ‘MKM’ waxa uu  aaminsan yahay in labada bulsho ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Somalilandba la wada daaley oo dadku khatyaan la dekaansan yahay, loona wada baahday nabad, horumar iyo nidaam dawladnimo oo la isku hallayn karo, kana shaqaynaya waddanka oo dhan, qaybinna kara ilaha dhaqaale, awoodeed iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulsheed. 

Sidaas darteed, labadan weji ee is barbar socda ayay hawsha  Dhaqdhaqaaqa ‘Mar Kale Midnimo (MKM)’ noqonaysaa mustaqbalka dhow, ka fog na waa wixii natiijo ah ee wejigan hore  ka soo baxa:

Mudnaanta koowaad ee biyo-ka-dhibcaanka ahi waa xoojinta midnimada iyo walaaltinnimada dadka Reer Waqooyi ee dagaalladii sokeeye iyo maamul xumida iyo caddaalad darrada Somaliland kala irdheeyeen. Somaliland waxa ay ku guuldarraysatay in ay dadka Reer Waqooyi wada hanato. ‘MKM’ waxa uu si si fog u arkaa in ahaantii Reer Waqooyi iyo is ahaanshihiisii bulsheed dib loo soo nooleeyo, si ay wax u wada qiimeeyaan, talo hogaan leh iyo qorshe aqoonaysanna isu la meel dhigi karaan, hadhowna, iyaga oo ‘is huwan’ u horfadhiisan lahaayeen walaalahood Reer Koonfureed, si ay uga la xaajoodaan wax la wada yeelan karo iyo si loo wadaagi karo, oo ka duwan sidii lagu fashilmay, lagu na jabay ee 1960. 

Sida ay ‘MKM’ wax u aragto, Somaliland ama Reer Waqooyi oo si gaar gaar ah iyo kala socosho loogu gacan haadiyaa waxa ay kordhin doontaa dhibaatada, waxna ay daahin doontaa xalka oo waxba ma tari doonto.

Mudnaanta labaad ee taas garab socon doontaa waa in Dhaqdhaqaaqa ‘MKM’ raadiyaa jaal kale iyo ehel dhinaca kale ah (Koonfur) oo arrimahan dhinaca kale ka bilaaba oo la wada shaqeeyo si talantaalli ah oo la iska warqabo iskaashi ahaan. Waayo, waxa aynu og nahay xansaska geedka Somaliland hoos yaalla ee gubi kara in uu xansas ka badani hoos dhooban yahay geedka Soomaaliya hadhsanayso.

2. Hordhac

Muddo hadda sannad laga joogo, horraantii February 2019, ayaa ugu horrayn, fekerkan ‘Mar Kale Midnimo’ nagu dhashay annaga oo koox waxgarad is bidday ah. Sidan hadda fekerku waa uu ka koobnaa, marka la eego hawl-qabadkiisa iyo qorshe maalmeedkiisa, hase yeeshee waxa naga hor yimi caqabaad keenay in dib loo dhigo soo shaacbixiisa, waxna laga beddelo tubtii wax lagu bilaabay. Hadda ayuu u muuqday in laga foolin karo, dibeddana loo soo saari karo, isaga oo ballaadhiyey hawlaha uu u taagan yahay ka midho-dhalintooda.

3) Aragtida (Vision) 

Aragtida ‘MKM’ waa in la helo Soomaaliya iyo Somaliland oo mid ah oo nabadgelyo, horumar nololeed iyo nidaam dawladeed oo karti iyo hufnaan leh oo lagu wada naalloonayo ka dhashaa, kana hanaqaadaa.

4) Hawl-galka (Mission)

Hawl-galkan waxa lagaga midho-dhalinayaa aragti cusub oo higsanaysa soo noolaynta iyo xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacbiga Soomaaliyeed, yeeshana dawlad ka shaqaysa xasilloonida, wadajirka iyo horumarinta noloshooda; waxaana hormuud ka ah ‘Mar Kale Midnimo’ oo yeelan doona hoggaan fulineed, qorshe hawleed iyo xubno waxgaradka ah oo la shaqeeya marjac ahaan.

5) Ujeeddooyinka (Objectives)

  • U gogal-xaadhka dib u heshiisiinta, isa saamixidda, is fahamka iyo nabadaynta bulshada Soomaaliyeed
  • Ka shaqaynta iyo xaqiijinta midnimo waxtar u yeelata ummadda Soomaaliyeed, si halista jirta looga badbaadi karo, mar kale na looga fogaado fashil iyo burbur yimaadda
  • La jaanqaadka is beddellada gobolka Geeska Afrika iyo adduunka, iyada oo khayrkiisu wax ba kuma yeelo’e, sharkiisa loo toogo yeelanayo
  • Xoojinta nidaam iyo hay’ado dawladeed oo tayo iyo la xisaabtan yeesha
  • Waxa uu ‘Mar Kale Midnimo’ xidhiidh dhow la yeelanayaa bulshada Soomaaliyeed oo ah badweyntiisa, awoodaha mar ba ka dhisan Soomaaliya iyo Somaliland oo lagu taageero, lagu na ixtiraamo wixii wanaag ah ee ka muuqda, iyo daneeyeyaasha beesha caalamka ee ku hawllan arrimaha isu soo dhoweynta, dib u heshiisiinta iyo midaynta Soomaaliya, dawlado iyo ururro ba; heer maxalli, gobol, qaaradeed iyo caalami ba
  • Dhaqdhaqaaqa ‘Mar Kale Midnimo’ waxa uu ka fogaanayaa damac siyaasadeed oo hadda ah, sida in hoggaankiisu doono/qaato mansab iyo mashruuc dawladeed labada dhinac ba, Muqdisho iyo Hargeysa, inta uu hawshiisa ku jiro ee aanu weli ka midho-dhalin. Hawshiisa ugu mudani waa aragti abuur bulsheed oo magac, mansab iyo macaash doon aan ahayn.

6) Gebagebo

Waxaa ka go’an Dhaqdhaqaaqa ‘Mar Kale Midnimo’ in uu ka shaqeeyo isu soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed, si gaar ah iyo si guud ah. Waxa aannu ka rejaynaynaa in bulshada Soomaaliyeed, Waqooyi iyo Koonfuri ba, ay u tafaxaytaan dardar gelinta sidii loo soo celin lahaa midnimo aragti cusubi ka dambayso, walaaltinnimadii, sharaftii iyo qiyamkii uu qofka Soomaaliyeed lahaa. Taas oo lagu xaqiijin karo maskaxda furan oo wax na bixin karta, wax na qaadan karta.

Hoggaamiyayaasha siyaasadda ee labada dhinac waxa uu MKM ugu baayaa in ay yaqiinsadaan fashilkooda hoggaamineed, gaar ahaan, sida ay uga gaabiyeen wixii la gudboonaa ee loo igmaday, haddana la joogo xilligii la la xisaabtami lahaa.

Taladiinnau waa noo muhiim sida taageeradiinnu ahmiyadda noogu leedahay.

Halqabsiga Dhaqdhaqaaqu waa “Midnimaan mar kale doonayaa aan u meel dayo”.

Gudini daab la’aantii

Miyay dogobbo goysaa?

Diric keli ahaantii

Daleel guusha kama helo

Dadkaa geesi lagu yahay!

(Maxaa daran maxaa dan ah)

Deelley Horaantii 1980,

Cali Sugulle (Dun-carbeed).

Mahad Badan

Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Xidhiidhiyaha Dhaqdhaqaaqa 

‘Mar Kale Midnimo, (MKM)’.

[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.