Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Ayax Ku Habsaday Gobolka Mudug iyo Saamaynta uu Ku yeeshay Beeraleyda iyo Xoolo-dhaqatada

W.Q. Cadifitaax Maxamed Sugulle

Asbuucayadaan waxaan safar ku joogay gobolka Mudug, waxaanan tagay meelo ka mid ah beeraha iyo dhuldaaqsimeedka gobolka. Waxaan meelihii aan booqday ku soo arkay Ayax fara badan oo ku habsaday beeraha iyo dhulka ay xooluhu daaqaan ee Gobolka Mudug.

Ayaxaan oo ah mid aan waxba reebayn, waxuu cunayaa caleenta geedaha  saaran, iyadoo aan ognahay muhimadda aycaleentu u leedahay waxay geedka maadaama ay siisa cuntada, nafaqada iyo qorroxda. Waxa uu sidoo kale Ayaxani saamayn weyn ku yeeshay beeraha ku yaal Mudug oo uu waxyeello weyn u geystay waxsoosaarkoodii. Dhammaan geedaha khudaarta  sida Qaraha, Badiikha, Yaanyada, Barbarooniga iyo Basbaaska iyo geed miroodka waxba kagama uu tegin, geed miroodka waxuu ka reebay kaliya QOLFOOFTA geedka. 

Waxuu sidoo kale cunay geedaha Jilib, Caws, Nagaar, Cadaad, Dheerdheere, Gogobo, Hanjaleelo, Xagarka iyo dhammaan dhirta xooluhu daaqoaan. Waxaad moodaysaa dhulkii cawska iyo naqu ku yaalay in lajariifay ama cagaf lagaliyay. Ma jirtoo meesha uu ku habsado wax uu uga tagayo geedka. Waxaan la yaabay geedka Soomaalidu ay u taqaan geed Yahuudka oo ah geed qodxa badan xoolahuna ay cunaan xilliga abaarta waa kudagay waxuuna ka reebay qolfoof kaliya!. Tiro ahaan aad buu u farabadan yahay, waxbana lagama qaban karo. Markaad dhex istaagto asagoo duulaya waxaad moodaysaa in aad bad ayax ah ku dhex jirto, wax kaa horreeya arki maysid, dushaadana waxaad moodin in roob ku hayo.

Ayaxaan ayaa ah  jiilkii labaad oo kacay, kuna dhashay dalkeena, cimiladiisana yaqaan kana adkaysi badan kii hore ee dibadda ka yimid oo aasay ugxaanta kan dhashay, waana ka saamayn badan yahay kii hore, kan waxba mareebayo.

Hadda waxuu ku wajah yahay dhanka Nugaal iyo Sool. Waxaa jira dadaallo socda oo lagu buufinayo ayaxa, ayna waddo Wasaaradda Beeraha iyo Isbeddalka Cimilada ee Puntland. Gawaari ayaa waxay ku buufinaysaa dhulka sidoo kale diyaarado ayaa iyana ka buufinaya cirka, laakiin intaan joogay gobolka oo aan beeraha iyo dooxooyinka marayay ma arag wax ayax farabadan oo suntu dishay. Xoolo dhaqatada miyaga jooga waxay aad uga cabanayaan sunta ayaxa lagu buufinayo, waxayna aamin sanyihiin in suntu ay xoolaha ka laynayso, carruurtana ay waxyeello u geysanayso, ma aysan helin wacyigalin faa’iidooyinka iyo waxyeellada sunta ayaxa ku saabsan. Ayaxaan kuma ekaan cunista dhirta kaliya, waxuu ku daatay Baraagihii, iyadoo barkadda uu ku dhacaana ay qurunto sidii in neef geel ah ku bakhtiyay biyaheedana lama cabbi karo dad iyo duunyaba. 

Daruufta iyo xaaladda sannadkaan Ayaxu uga tagay bulshadeena reer miyiga ee xoolo dhaqatad ama beeraleyda ah  waa mid aad u halis badan. Xoolahu ma helayaan dhul ay daaqaan, beeraha kooban oo ku yaalla deegaankana waa baaba’een, waxyna dadku galeen xaalad abaar ah oo dag dag ah. Waxaan maqli jiray maahmaahda ah AYAX TAG EELNA REEB. Hadda waan arkay micnaha maahmaahdaas.

Maxaa lagudboon masuuliyiinta dalka?

Saamaynta uu ka tagayo ayaxaan waxaan ku qiyaasi mid la mid ah abaartii Siman ee 2017dii, taasoo ahayd abaartii ugu darnayd oo ka dhacday Soomaaliya ayna ku nafwaayeen dad iyo xoolo badan. Haddaba, waxaan u soo jeedin talooyin, Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Hay’adaha Gargaarka :-

  • in ay dajiyaan qorshe dagdag ah oo lagu ciribtirayo Ayaxa.
  • In la sameeyo qiimayn saamaynta iyo khasaaraha dhabta ee uu u geystay Ayaxu bulshada iyo xoolaha ( Locust impact assessment) si qorshe cilmi ku dhisan loo soo bandhigo.
  • Sidoo kale in ay si dhaw ula socdaan xaaladda dadka reer miyaga iyo beeralayda uu saameeyay ayaxu ayna la yimaadaan qorshe loogu gargaarayo dadka iyo Xoolahaba.
  • Ugu dambayntii waa in madaxda dalka ay siisaa ahmiyad balaaran Ayaxa ayna soo saaraan baaqyo iyo qaylo-dhaan adduunka lagu tusayo dhibta wayn uu ayaxu u geystay Soomaaliya.

Cabdifitaax Maxamed Sugulle

Cilmi baare Siyaasadaha Guud ( Public Policy)

Email:- [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.