Axmed Shide oo Loo Magacaabay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya

Axmed Shide oo Loo Magacaabay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya
Axmed Shide

Guddoomiyaha XDSHS, islamarkaana ahaa Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Itoobiya Md Axmed Shide ayaa loogu magacaabay Wasiirka Maaliyadda ee Itoobiya isku-shaandhayn uu maanta ku sameeyayay Ra’iisalwasaare Abiy Axmed golaha xukuumaddiisa.

Abiy Axmed ayaa golaha Xukuumaddiisa ku soo koobay 20 wasiir halkii ay hore uga ahayd 28 wasiir iyadoo kala badh wasiirradan cusubi ay yihii haween, kuwaasoo loo magacaabay wasaarado muhiim ah oo ay ku jirto wasaaradda gaashaandhiggu.

Wararku waxay intaa ku darayaan in la abuuray wasaarad cusub oo lagu magacaabo wasaaradda nabadda (Peace Ministry) si wax looga qabto iskudhacyada qawmiyadaha kala duwan ee ku nool dalka Itoobiya oo sii labakacleeyay tan iyo intii uu hoggaanka dalkaas la wareegay Abiy Axmed.

Md. Axmed Shide ayaa isagu muddo dheer ku soo dhexjiray siyaasadda deegaanka Soomaalida, islamarkaana ahaa shakhsi ay aad isugu dhawaayeen madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida ka baarqabayn jiray oo haatan xabsiga magaalada Addis Ababa ku jira.

Axmed shide oo xilligan ahaa mas’uulka ugu awoodda badan Deegaanka Soomaalida ayaa u magacaabista xilka wasiirka Maaaliyadda dawladda Itoobiya muujinaysaa kalsoonida weyn ee uu Abiy Axmed ku qabo, iyadoo dhawaan la filayo hirgelinta qorsheyaal lagu furfurayo dhaqaalaha dalka Itoobiya oo uu ra’iisalwasaaruhu hore ugu dhawaaqay, gaar ahaan in qaybta dhaqaalaha gaarka ahi ku lugyeelato hay’adaha Isgaarsiinta iyo gaadiidka cirka oo iyagu gacanta dawladda ku jira.

Axmed Shide ayaa wuxuu beddelayaa Abraham Tekeste oo isagu xilkaas hore u hayay.

WardheerNews

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.