Axmed Madoobe iyo Puntland: Faalo

W/Q Cabdikarim C/raxmaan X. Xasan

Waxa dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Caddaado, islamarkaana Dawladda Federaalka Soomaaliya ay aqoonsatay dhismaha maamulka Galmudug, ee Badhtamaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe & Cabdiwali1
Axmed Madoobe & Cabdiwali

Maamul u samaynta Galmudug, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh, uu u gelay daddaal xooggan oo aanu horey ugu samayn maamulo goboleedyadiii kale ee la yagleelay tan iyo intii uu madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya. Maamuladaasi oo kala ahaa: Jubba iyo Koonful Galbeed. Taasi oo ay u dheerayd in Madaxweyne Xasan uu ka soo hor jeeday maamul u samaynta Jubba.

Haddaba maamul goboleedkan cusub ee Galmudug, oo uu ka gun gaadhay Madaxweyne Xasan, markii uu ku guulaystay
Md. C/karim Guuleed hogaaminstiisa, oo uu Madaxwene Xasan maal iyo muruq-ba u huray, ayaa haddana waxaa jira khilaaf baahsan oo ku aadan dhinaca xuduudda.

Khilaafkaas oo u dhexeeya maamulkan cusub ee Galmudug iyo Puntland, oo u baahnaa in la xaliyo, ka hor inta aan loo dareerin olo’le maamul u samaynta Gobolada Dhexe.

Waxaa kale oo iyana jirta in maamulka Galmudug aanu buuxin shuruudihii dastuuriga ahaa ee samaynta maamul goboleedyada.

Haddaba iyada oo arimahaasi tixgalinaysa, ayay Dawlad Goboleedka Puntland ka soo horjeesatay maamulka cusub ee Galmudug. Halka maamul goboleedka Koonful Galbeed, ee uu madaxda u yahay Md. Shariif Xasan uu taageeray.

Waa maxay mawqifka Jubba iyo horjoogihiisa Md. Axmed Madoobe?

Axmed Madoobe & Cabdiwali2
Soo dhawentii Axmed Madoobe, Garoowe

Ilaa hadda ma cadda mawqifka Axmed Madoobe, isaga oo aan had iyo jeer wax go’aan ah ka qaadan hawlaha Dawlada Federaalka Soomaaliya, sida gudiyadii farsamo ee dhawaan loo sameeyay in ay eegaan arimaha xuduudka iyo dastuurka, oo Puntland ay ka soo hor jeesatay.

Md. Axmed Madoobe oo horey uga tirsanaa ururka Al Shabaab, ayaa lagu tilmaamaa in aanu hogaankiisu waxba kala socon hab maamulka iyo saamaynta go’aanada Dawladda Federaalku ku yeelan karto mustaqbalka dhow iyo fogba, oo aanay aragtidiisu ahayn mid odorosi karta arimahaasi aan xusay.

Md. Axmed Madoobe oo hadda booqasho ku tagay Puntland, sidii caadadda u ahayd-na Md. Cabdiwali uu ku soo dhaweyay Garoowe tabtii kacaankii xukuumaddii Siyaad Barre, caruur dugsiyadda iyo haween gurayahoodii laga soo jafay, ayaa lagu waddaa in ay iska arkaan arimahaasi aan kor ku soo xusay.

Haddaba socdaalka wada tashi ee uu hadda ku tagey Puntland, ma iftiimin doonaan mawqifka maamulka Jubba.

C/karim C/raxmaan Xaaji
Email: abdelh1@hotmail.com