Muqdishu – Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) oo kamid ah jaamacadaha ugu waaweyn dalka, ayaa maanta oo ku beegan Arbaca bisha Ogost 19, 2015, waxa ay ku qabatay magaalada Muqdisho gaar ahaan hotelka City Palace xaflad ay ku qalin jebinayeen 807 arday oo soo dhameestay derajada 1-aad ee waxbarashada sare.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda Jaamacadda, wasiirro, xildhibaanno, maamulka gobalka Banaadir, madaxda bulshada rayidka ah, waalidiin, masuuliyiin ka socotay shirkadaha dalka ka jira iyo marti sharaf kale.
Gudoomiye ku xigeenka ahna madaxa waxbarashada Jaamacadda Soomaaliya, Prof. Maxamed Nuur Warsame, ayaa waxa uu ugu horeyn ka hadlay taariikhda kooban ee Jaamcadda Soomaaliya soo martay tan iyo markii dhidibada loo taagay sanadku markuu ahaa 2005, isaga oo kadibna kusoo dhaweeyay masraxa gudoomiyaha Jaamacadda, Ustaad Cabdiraxmaan Macalim Axmed (Ablaal), oo u hanbalyeeyay ardeyda qalin-jebisay.
Gudoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya ayaa waxa uu yiri, “Waan idinkugu hanbalyeynayaa guusha aad ka gaarteen heerka 1-aad ee waxbarashada. Waxa aan u mahadcelinayaa waalidiintii ilmahooda nagu aaminay si aan wax u barno, waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa cid kasta oo maalin jaamacadda Soomaaliya ka soo shaqeysay”.
Gudoomiyaha, dallada SOSCENSA, C/laahi Maxamed Shirwac oo kamid ahaa masuuliyiintii ugu horeeyay ee munaasabadda ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ardeyda tirada badan oo maanta qalin jebisay ay ku gudbanyihiin dhibaatooyin farabadan oo loo baahanyahay in ay u guntadaan sidii wax looga qaban lahaa.
Qaar kamid ah ardeyda qalin jebineysay oo munsaabada ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay maanta u tahay maalin taariikhi ah oo ay gaareen yool ay in badan ku haminayeen. Waxa ayna ballan qaadeen in ay dalkooda iyo dadkooda ugu shaqeyn doonaan aqoonta ay hanteen iyaga oo u mahadceliya mas’uulyiintii iyo barayaashii soo barbaariyay iyo dhamaan intii gacan ka geysatay in ay guul ka gaadhaan waxbarashadooda.

Qalin jebinta ayaa aheyd tii 6-aad tan iyo markii la aasaasay jaamacadda, waxa ayna sidoo kale aheyd munaasabaddii ugu balaarneyd oo ardey derejada 1-aad ee waxbarashada sare soo dhameesta oo lagu qabtay Muqdisho tan iyo burburkii dalka.
Wasiiradda, xildhibaannada munaasabadda ka soo qeby galay iyo madaxda Jaamacadda Soomaaliya ayaa ugu danbeyn waxa uu shahaadooyin gudoonsiiyeen qaar kamid ah ardeydii qalin jebineysay maanta.
Gabagabadii Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha gudiga sare ee Jaamacadda Soomaaliya oo isna markiisa aad ugu mahadceliyay ardaydii dadaalkooda ku guuleestay, waalidiintii guushaasi dhinacooda ka suura geliyay iyo waliba maamulkii iyo barayaashii jaamacadda oo uu sheegay in ay adkaan laheyn in la’aantood la gaaro yoolka la hiigsanayay.
Qalin jebinta ardeydaan ayaa waxa ay imaaneysaa iyada oo dalka Soomaaliya aysan ka jirin siyaasad cad oo lagu shaqaaleysiinayo dadka aqoonta leh, taa bedelkeedana maamullada dowliga ah iyo hey’adaha madaxa bannaan ay qaab eex iyo nin jecleysi ku saleysan ku shaqaaleysiiyaan. Taas oo dhalisay in cid aan kasoo bixi karin shaqada la howl geliyo, dhalintii jaamiciyiinta ahaana marka ay u adkeysan waayaan shaqo la’aanta ay badankood tahriibaan.
W/Q Moxamed Nuur Amiin &
Arday ka mid ah ardayda ka qalin jebisay Jaamacadda Soomaaliya