Muqdisho, Juun 09, 2016 (WDN)- Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helayno deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in weerarkii ay Al Shabaab ku qaadday Fariisin ay ciidanak ciiddanka Itoobiya ee ka tirsan Amisom ku lahaayeen Halkaasi uu ka dhashay qasaara kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Maamulka deegaanka Halgan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii saakay ka dhacay Halgan lagu Dilay 95 Ka tirsanaa ka tirsanaa Al Shabaab halka tira kalena ay wali ku daba Joogaan.
Waxa uu intaasi kusii daray mas’uulkaasi in ay jiraan dhaawacyo kale in kastoo uusan sheegin inta tiradoodu dhantahay.
Waxaa sidoo kale ka hadashay qasaaraha dagaalkaasi safaaradda dowladda Itoobiya ay ku leedahay Soomaaliya waxayna sheegtay in 120 ka mid ah Shabaab dagaalkii saakay lagu dilay .
Dadka deegaanka oo ay la xiriirtay Wardheernews ayaa sheegay in ay arkeen 25 meyd oo ka mid ah ciiddanka Shabaab, waxayna intaasi ku dareen in ay jiraan qasaare soo gaaray dadka rayidka ah iyadoo 5 ruux dhimatay tira kale oo intaasi ka badan ay ku dhaawacantay dagaalkii Saakay .
Shabaab ayaa sheegay in dagaalkaas lagu Dilay 60 Askari oo Itoobijyaan ah halka tira kale ay ku dhaawaceen waxaana halkaasi lagu qoray Wabsetyo ku hadlo Afka Kooxdaasi Shabaab.
Urrurka Al Shabaab ayaa hore sidan oo kale weerar ugu qaaday farrismo aya AMISOM ku lahaayeen Leego, Janaale iyo Ceel Cadde oo ay ku dileen askar Fara Badan oo ka tirsan ciiddanka Amisom.
Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply