Muqdisho (WDN)- Dagaal ba’an oo u dhexeeya ciidanka dowladda federaalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo maleeshiyaadka Al-shabaab uu ku dhexmaray deegaanka Nuur-dugle iyo deegaanada ku dhaw ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Halkaasi oo dhawaan uu booqday madaxweynaha dawladda federaalka Md. Xasan Sheekh Maxamuud ka dib markii ay la wareegeen ciidamada dawladda iyo kuwa macawisleyda.
Alshabaab ayaa deegaankaasi ku qaadey weerar ku bilowday qarax ismiidaamin oo xoogan waxaana xigey iska hor imaad illaa iyo iminka soconaya ,khasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah ayaa jira inkastoo war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac ee dagaalamaya uusan jirin.
Wararka aan ka helayno deegaanka Nuur Dugle ayaa sheegaya in iska hor imaadyada soconaya ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga iyo kuwa macawisleyda, waxaana ka mid ah taliye C/llaahi Caraaye Cumar oo ah saraakiisha ciidanka milateriga ee howlgalkan hoggaaminayey iyo Sheekh Qaasim Cali Gaab oo ah hogaamiyaha macaawisleyda degaanka Nuurdugle.
Deegaanka Nuur-dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah deegaanadii u dambeeyey ee lagala wareegay maleeshiyaadka kooxda argagixisada ah ee Al-shababaa, saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli wax faah faahin ka bixin dagaalka socda ee u dhexeeya ciidanka dowladda federaalka, kuwa deegaanka een macwiisleyda iyo Al-shabaab.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho