Muqdisho (WDN)- Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhigyo ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararka deegaankaas ka imaanaya ayaa sheegaya in weerarka la isku adeegsadey hubka culus noocyadiisa kala duwan muddo saacado ahna uu socdey. Waxa ay wararka intaasi ku darayaan in maleeshiyada Alshabaab oo doonayey in xerada gacanta ku dhigan ay u suurgeli weysay .
Ma jirto faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku saabsan weerarkaas iyo khasaaraha ka dhashay .
Maxmed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply