Muqdisho (WDN)- Afhayeenka guud ee ururka Alshabaab Cali Maxamuud Raage ( Cali Dheere) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hawlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shbaab, kuwaasi oo ay wadaan ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka oo iskaashananaya. Cali Dheere ayaa ku hanjabey in ay beegsan doonaan cid kasta oo hawlgaladaasi ku lug yeelata.

Cali Dheere ayaa beelaha Soomaaliyeed uga digey in ay qeyb ka ahaadaan dagaalada ka soconaya qeybo ka mid ah maamul goboleedyada dalka ee looga soo horjeeda kooxda Alshabaab, waxa uuna si cad u sheegay in ay beegsan doonaan beel walba oo kaalin ku lahaata.
Afhayeenka Alshabaab ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan xarumaha dawladda iyo kuwa hawlgalka ATMIS, isagoo tilmaamay in goobahaasi yihiin bar tilmaameed xilli walbana ay suuro gal tahay in ay weeraraan.
Hadalka afhayeenka Alshabaab ayaa imanaya kadib hawlgalo ballaaran oo ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ku qabsadeen deegaano badan oo horey ay uga talin jireen maleeshiyaadka Alshabaab, waxaana iminka gobolada dalka ka soconaya abaabul xoog leh oo ku aadan sidii Alshabaab looga saari lahaa deegaanada wali gacantooda ku jira.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply