Alshabaab oo si xoog ah kula wareegay isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur

Alshabaab oo si xoog ah kula wareegay isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur

Muqdisho, Xarakada Alshabaab ayaa maanta awood kula wareegay isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kaasi oo dhawaan dayactir lagu sameeyey dibna loo furey.

Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Alshabaab isku gedaameen nawaaxiga isbitaalka isla markaana ay diideen in loo dhawaado, waxaana wararku intaa ku darayaan in isbitaalka la keenay dhaawacyo tiro badan oo ciidamada Alshabaab ka tirsan, kuwaasi oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen deegaanka Baxdo oo dhawaan weerar ay ku qaadeen jug xoog leh lagu soo gaarsiiyey.

Isbitaalka degmada Ceelbuur oo muddo sanado ah xirnaa ayaa dhawaan dib loo furey kadib markii ay iska kaashadeen dayactirkiisa ganacsatada iyo qurbojoogta deegaanka.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa 17-kii bishaan weerar xoog leh ku qaadey deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, kaasi oo ay sheegeen in ay uga hortagayeen duulaan iyaga ka dhan ah oo deegaankaasi laga abaabulayey, waxaana dagaalkaasi kooxda kasoo gaarey jab xoog leh oo dhimashoodu gaartey in ka badan 40 halka dhaawucuna intaa ka badanyahay.

Maamulka Galmudug ayaa soo bandhigey meydadka maleeshiyaadka kooxda iyo hub fara badan oo dagaalka kaga qabsadeen.

Weerarka kooxda deegaanka Baxdo ayaa lagu tirinayaa weerarkii ugu xumaa oo kooxdu qaado kaasi oo jab sidaan u xooggan lagu gaarsiiyo tan iyo markii laga saarey magaalada caasimadda ah ee Muqdishu sanadii 2011.

Maxamed Cumar Adan

WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.