Muqdisho, Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa ku dhaqaaqay falal ay ku cadaadinayaan dadka deegaanka ee la saftey ciidanka dawladda ee wada hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadaasi, ayagoo gubey guryo iyo ceel biyoodyo ku yaala deegaanka Ceel Jiqoow ee duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle.
Dad badan oo deegaankaasi ku dhaqan ayaa iminka wajahaya hoy la’aan ayadoo ceelashii ay biyaha ka cabi jireen iyaga iyo xoolohooduna ay biyo la’aan noqdeen, kadib markii kooxda Alshabaab qarxiyeen.
Arintani ayaa imaanaysa kadib hawlgallo wadajir ah oo ka dhan ah kooxdaasi ay qaadeen ciidamada xoogga dalkaa iyo dadka deegaanka, kuwaasi oo sababey in deegaano dhawr ah ay ka baxaan gacanta Alshabaab oo in muddo ah deegaanadaasi ka talin jirey.
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo maleeshiyaadka deegaanka ayaa deegaano ay ka mid yihiin Abooreey iyo Tardo oo ku teedsan degmada Buulo Burde kala wareegay kooxda Alshabaab oo muddo ku dhow 8 sano deeganadaasi ka talin jirey, waxaana dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee deeganadaasi ka socda qeyb ka ah mudanayaal ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan ee Alshabaab dhibaatada ballaaran ka geysanayaan.
Maxamed Cumar Sh. Aadan
WardheerNews, Muqdisho.
Leave a Reply