Muqdisho (WDN)- Xarakada Alshabaab ayaa sheegatey masuuliyadda qaraxa lagu dilay taliyihii ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole iyo askar la socotey oo hawlgalo ka wadey deegaanka Basra ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliye Qaroole ayaa hogaaminayey ciidamada dawladda ee maanta la wareegay deegaanada ku dhaw Basra oo ah fariisin muhiim ah oo Alshabaab halkaasi ku lahaayeen, waxaana qaraxa taliye Qaroole iyo ciidankii la socdey lagu dilay uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah.
Dilka Farxaan Qaroole ayaa kusoo aadaya xilli meel xasaasi ah ay marayaan hawlgalada lagula dagaalamayo maleeshiyaadka Alshabaab ee ay sida wada jirka ah u fulinayaan ciidanka xoogga dalka iyo maleeshiyaadka deegaanka ee ka dhiidhiyey xadgudubyada Alshabaab.
Malesoyaadk Alshabaab ayaa dhawaanahaan xoogga saaraya beegsiga saraakiisha ciidanka dawladda si ay isaga yareeyeen culeyska kasoo wajahay dhanka ciidanka dawladda oo deegaano badan kooxda kala wareegay.
Deegaanada maanta lagala wareegay ayaa waxay xarakada Alshabaab ku lahaayeen maxkamad lagu maxkamadeeyo dadka reer Muqdisho iyo xarun maaliyadeed oo ay ku canshuuraan gaadiidka iyo badeecadaha kasoo baxa Muqdisho ee gobolada dalka u gudbaya.
Farxaan Qaroole ayaa hore uga mid ahaa dad kasoo goostey maleeshiyaadka Alshabaab ee kusoo biirey ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya, waxa uuna noqdey hormuudka saraakiisha dagaalka la galay Alshabaab, isla markaana ka qeyb qaatey wiiqidda awooda dhaqdhaqaaq ee ee gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay ku leeyihiin.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply