Muqdisho (WDN)- Afhayeenka hawlgalada xarakada Alshabaab Cabdicasiis Abu Muscab, ayaa digniin culus u direy bulshada Soomaaliyeed isagoo ka digey u dhawaanshiyaha xarumaha dawladda federaalka iyo kuwa hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS.

Abuu Muscab ayaa sheegay in wèeraradii qaraxyada ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacey xerada Lama Galaay ee magaalada Baladweyne, ay digniin u tahay qofwalba oo u dhawaada xarumaha ay ku suganyihiin masuuliyiinta dawladda federaalka iyo xulifada gacan saarka la leh ee ATMIS.
Alshabaab ayaa sidoo kale digniin culus u dirtey dadka deegaanka ee ciidamada ku biiriyey hawlgalka dawladda Soomaaliya ka wado dalka ee ka dhanka ah Alshabaab, waxa ayna sheegtey kooxda in ay heystaan fursad ay kaga soo laaban karaan gefka ay sameeyeen ee ah gacansiinta dawladda iyo kuwa isbahaysiga la ah ee Afrika iyo Yurub ka socda.
Afhayeenka hawlgalada Alshabaab ayaa sheegay in weerarada Baladweyne ka fuliyeen ay ku dileen in badan100 oo isugu jira ciidamada Soomaalida iyo kuwa ATMIS oo Itoobiyaan iyo Jabuuti isugu jira, waxa uuna cadeeyey in ay ku jiraan dagaal aan waxba la iskula hareynin oo kala dhaxeeya sida hadalka u dhigey gaashaanbuur isbahaysatey oo Soomaali iyo Ajaanibba leh.
Dhanka kale waxaa ka socda magaalada Baladweyne gaar ahaan xerada Lama Galaay oo inta badan ay ku yaalaan xarumaha laga maamulo gobolla Hiiraan iyo kuwa hawlgalka ATMIS iyo deegaanada ku dhaw hawlgal lagu baadi goobayo dad la la’yahay, oo loo badinayo in ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha ku dumey qaraxyadii waa weynaa ee shalay magaalada ka dhacey. Kuwaasi oo loo adeegsadey 3 gawaarida xamuulka ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply