Alshabaab oo dib u qabsatay deegaano dhawaan laga saarey

Alshabaab oo dib u qabsatay deegaano dhawaan laga saarey

Muqdisho (WDN) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa macawisleyda ayaa la sheegay in ay saaka baneeyeen deegaanda Moqokori iyo Yasooman ee gobolka Hiiraan, mana jirto faahfaahin rasmi ah oo laga hayo sababaha keenay in deeganadaasi la baneeyo.

Ciidamada deeganadaasi ka soo baxay ayaa la sheegay in ay hadda ku suganyihiin degmada Maxaas iyo Buulo-Burde.

Sidoo kale Xarakada Alshabaab ayaa shaacisey in deegaano dhawr ah oo dhawaan ay qabsadeen ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya, ay saaka dib ula wareegeen. Deegaanadaasi oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle.

Qoraal xarakadu soo dhigtey baraha bulshada ayey ku sheegtay in ciidamadoodu saaka dib u qabsadeen deegaano ay ka mid yihiin Moqokori iyo Yasooman, halkaasi oo maalmo ka hor dagaalo xoogan oo ka dhacey kooxda laga saarey, khasaaro xoog lehna la gaarsiiyey.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in khilaaf dhanka hoggaanka ah oo soo kala dhexgalay ciidamada dawladda federaalka iyo kuwa deegaanku uu sabab u yahay in ciidamada ay baneeyaan furimaha dagaalka, gaar ahaan deegaanadii muhiimka ahaa ee dhawaan xarakada Alshabaab laga saarey.

Ka  soo baxa furimaha dagaalka, gaar ahaan deegaanda laga qabsaday Alshabaab, ayaa dhaawac weyn ku ah kalsoonida shacabka deegaanadaasi, iyada oo sidoo kale uu hoos u dhigayo rajadii laga qabey in laga miro dhaliyo hawlgalka ka dhanka ah kooxda.

Dawladda Soomaaliyaa ayaa hore loogu eedeeyey in ciidamadeedu awood u lahayn in ay kusii sugnaadaan deegaanada Alshabaab laga saaro, inkastoo dawladdu eeddaasi iska fogeysay isla markaana ay guddi u saartey xasilinta iyo maamul u samaynta deegaanada laga saaro maleeshiyaadka Alshabaab.

Arinkan cusub ayaa la dhowrayaa waxa ay ku sifayso DFS iyo qorshaheeda ku aadan sidii ay ku kasban laheyd kalsoonida shacabka iyo in ay ku nagaana karaan deegaanada ay ka qabsadeen Alshabaab.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho