Alshabaab oo degmo muhiim ah oo gobolka Galgaduud ka tirsan lagala wareegay

Alshabaab oo degmo muhiim ah oo gobolka Galgaduud ka tirsan lagala wareegay

Muqdisho (WDN)- Ciidamada milatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ee Macwisleyda, ayaa kala wareegay kooxda argagixisada ah ee  Al-shabaab gacan ku heynta degmada muhiimka ah ee Masagawaay ee gobolka Galguduud. Halkaasi oo in muddo ah kooxda gacanta ku haysay.

Jeneral Gacmodulle oo ah sarkaalka hogaaminayey ciidamada Alshabaab kala wareegay degmada Masagawaay, ayaa warbaahinta dowladda isagoo la hadlaya xaqiijiyay in ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ay si buuxda ula wareegay degmadaasi, haatanna ay ku raad joogaan maleeshiyadka Al-shabaab ee deegaankaasi laga qabsadey.

Md. Gacmadulle oo ka hadlaya la wareegidda Masagawaay ayaa yiri ” Magaalada cadowga argagixisada Alshabaab waa laga fara maroojiyay waa carareen, firxadkooda ayaa ciidanku ku daba joogaan. Waxaanna ku hawlanahay sugidda amniga magaalada oo waxaan wadnaa hawlo miino baaris ah”

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen tuulooyin iyo deegaanno hoostaga Masagawaay. Waxayna noqonaysaa degmadaasi deegaankii ugu muhiimsanaa oo kooxda lagala wareego oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.