Xafiiska UNSOM Soomaaliya oo ku biirey dadaallada dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

Xafiiska UNSOM Soomaaliya oo ku biirey dadaallada dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

Muqdisho (WDN)- Ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan kaalmaynta Soomaaliya UNSOM Anita Kiki Gbeho ayaa maanta la kulantay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed (Madoobe), oo garwadeen ka ah dadaallada dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo xiisad siyaasaddeed ka jirto. Kulanka ayaa ujeeedadiisu ahayd sidii loo mideyn lahaa dadaallada ku aadan ka miro dhalinta shirka dib u heshiisiinta dhawaan magaalada Baydhabo lagu wado in lagu qabto.

Ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya UNSOM Anita Kiki Gbeho ayaa maanta la kulantay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Kulanka Guddoomiyaha iyo Marwo Anita Kiki ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo xustay inay UNSOM taageereyso si loo helo isfaham bulsho loona sii amba qaado xorreynta deegaannada Al-shabaab go’doomiyeen.

Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa sheegtey in xafiiska UNSOM  uu diyaar u yahay ka qeybqaadashada dadaallada xalka loogu raadinayo xiisadda ka jirta deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo. Waxa ayna ku baaqdey in wada hadal lagu dhameeyo khilaafaadka jira, laguna dadaalo ka miro dhalinta shirka dib u heshiisiinta.

Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa uga mahadcelisay guddoomiyaha dadaalka uu ku bixiyey qaboojinta xiisadda gacan ka hadalka dhalisay ee magaalada Baydhabo ka dhacdey waxa ayna kula dardaarantay masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka in danta gaarka ah laga horumariyo tan guud oo xasiloonidda deegaanka iyo badqabka bulshada diiradda la saaro.

Md. Aadan Madoobe ayaa dhankiisa ka mahadceliyey taageerada xafiiska UNSOM uu ku bixiyo xasiloonida dalka, gaar ahaan taageeradda dadaallada dib u heshiisiinta deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ee u dhaxeysa maamulkaasi iyo siyaasiyiinta kasoo horjeedda habka maamulka Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdicasiis Lafta Gareen. Gunnaanadka kulanka ayaa Md Aadan Madoobe la wadaagay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, arrimaha kaalmeynta Soomaaliya, halka ay mareyso arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed iyo kulamadii uu la qaatay siyaasiyiinta ka aragtida duwan maamulka talada Koonfur Galbeed haya.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho