Muqdisho (WDN)- Waxaa maanta lagu dilay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho Almaas Elman, oo ka mid aheyd hay’adda Elman, ee ka shaqaysa howlaha la xiriira xuquuqda Damrka, caruurta iyo dhalinta.

Wali ma jiro warar sugan oo ka soo baxay dilkaasi, iyada oo la sheegayo in xabad ay ku dhacday gaari ay la socotay Elaman, gudaha Xerada Xalane, oo fariisan u ah ciidamada AMISOM iyo safaaradaha Ajnabiga.
Almaas ayaa Aabaheed Elman Cali, oo ka shaqayn jiray arimaha nabadeynta ( peace activist) horey loogu dilay isla magaalada Muqdisho sanadkii 1996.
Ilaa hadda ma jiro wax wara oo ka soo baxay hay’adaha Amniga,oo la xidhiidha dilka Almaas.
WardheerNews
Leave a Reply