Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Almaas Elman oo lagu dilay gudaha xerada Xalane

Muqdisho (WDN)-  Waxaa maanta lagu dilay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho Almaas Elman, oo ka mid aheyd hay’adda Elman, ee ka shaqaysa howlaha la xiriira xuquuqda Damrka, caruurta iyo dhalinta.

Almaas Elman

Wali ma jiro warar sugan oo ka soo baxay dilkaasi, iyada oo la sheegayo in xabad ay ku dhacday gaari ay la socotay Elaman, gudaha Xerada Xalane, oo fariisan u ah ciidamada AMISOM iyo safaaradaha Ajnabiga.

Almaas ayaa Aabaheed Elman Cali, oo ka shaqayn jiray arimaha nabadeynta ( peace activist) horey loogu dilay isla magaalada Muqdisho sanadkii 1996.

Ilaa hadda ma jiro wax wara oo ka soo baxay hay’adaha Amniga,oo la xidhiidha dilka Almaas.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.