Al Shabaab oo ka bilowday deegaanka Ceelbuur in ay hubka wareejiyaan islamarkaana dadka ku dhex milmaan

Al Shabaab oo ka bilowday deegaanka Ceelbuur in ay hubka wareejiyaan islamarkaana dadka ku dhex milmaan

Muqdisho (WDN)- Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan degmada Ceelbuur ayaa hubkoodii ku wareejiyay odayaasha dhaqanka degmadaas, sida ay tebisay wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA. 

Warbixinta ayaa lagu sheegay in wareejinta hubka lagu go’aamiyay kulan ay Al-shabaab iyo odayaasha degaanka ay ku yeesheen degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud. 

Meeleeshiyada Al Shabaab

Al-shabaab ayaa sidoo kale maleeshiyadooda ku sugan Ceelbuur waxay ku amreen in ay shacabka ku milmaan, halka horjoogayaasha sarena isaga baxayaan degaanka sida ay tibaaxday SONNA. 

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Al-shabaab ay go’aankaas qaateen kadib markii culays uga yimid ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku wajahan Ceelbuur si ay uga saaraan maleeshiyaadkaas. 

Dadka arrimaha siyaasada ka faalooda ayaa ku tilmaamay in talaabadani tahay mid halis baddan oo u eeg xeelad ay Al-shabaab rabaan in isku badbaadiyaan, islamarkaana ay ka dhalan karto inay weerarro qorshaysan ka dhex gaysan karaan degaanada ay ku dhuumaalaysanayaan.

Siciid Maxamed Axmed
WardheerNew

Leave a Reply

Your email address will not be published.