Muqdisho (WDN)- Agaasimhii Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia) Md. Nuur Diiriye Fuursade, ayaa shaqadii iska casiley.

Axmed Cawad oo gadaal ka fadhiya
Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in Md. Nuur Fuursade uu aad ugu ol’oleeyay sidii loogu magacaabi lahaa xilka Ra’iisal Wasaaraha cusub, kadib markii laga qaaday Md. Xasan Kheyre, hase yeeshee uu Farmaajo ka diiday. Taasina ay dhalisay in Md. Nuur uu xilka iska casilo, isaga oo dalka ka dhoofay kuna noqday Kanada oo uu dhalasho iyo dagenaanshu ka haysto.
Madaxweyne Farmaaj ayaa Md. Nuur oo ay qaraabo yihiin horey ugu magacaabay xilka agaasimaha muddo hadda laga joogo sanad, oo ku beegneyd bsihi May, 2019.
Md. Nuur ayaa ahaa agaasimihii shanaad ee soo mara Madaxtooyada muddo sadex sono iyo badh gudahood ah, taasi oo muujineysa degenaansho la’aanta maamulka madaxtooyada Soomaaliya.
Md. Nuur Fuursade, ayaa aad ugu dhawaa Madaxweyne Farmaajo, isaga oo saameyn xooggan ku lahaa maamulka Farmaajo.
WardheerNews
Leave a Reply