Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Afmadow: Daad ka dhashay roobka Dayrta oo saameeyay waxbarashada boqollaal arday ah oo ku jira xeryaha lagu barakacay

by Ahmed Mohamed

Kaydka Ergo

Leyla Wardheer Cali oo ah hooyada 6 carruur ah labo ka mid ah oo wax u baranayay ayaa ka haray iskuulka Dhoobaale 24 bishii April ee sanadkan, markii biyo ka soo rogmaday togga dagmada Afmadow ay xireen waddadii ay u marayeen.

Waxay ka mid yihiin 650 arday oo ka soo jeeda qoysas soo barakacay oo ku nool xeryaha Bu’aale, Bilis-qooqaani, Sooya iyo kaam-ruun, kuwaas oo iskuulladooda ka haray sida uu sheegay guddiga waxbrashada degmada Afmadow.

Waxay sheegtay Leyla in qoysaska dhaqaalaha haysta ay carruurtooda ku geeyaan iskuullada Doon ka sameysan fuustooyin iyo alwaax la isku rakibay oo ay kiraystaan.

Dadka iskaleh Doonta ayay xustay in ay ku xujeeyeen qoyskeeda bixinta maalin walba lacag dhan $1.5 oo carruurteeda iskuulka lagu geeyo loogana soo qaado.

Waxay ka walaacsan tahay biyaha togga oo sii kordhaya. Waxay xustay in ay caqabad ku yihiin noloshooda iyo waxbarashada carruurteeda.

“Markii hore biyaha waa yaraayeen. Waxaa looga gudbi jiray lugta, laakiin hadda waxay ku joogan horaadka. Hadda biyihii ayaa soo batay si lagu gudbaayo malahan. Qofkiiba 10,000 SH SOM  ayaa la dhahay. Intee laga keennaa aniga shaqo mahayi Aabihiina sidaas oo kale.”

Waxay dhiganayeen fasallada saddexaad iyo afaraad ee dugsiga hoose Mursal Cabdulqaadir oo 14 jir ah iyo Farxiyo Cabdulqaadir oo 13 jir ah. Ardayda weli dhigata iskuulkooda ayaa u fariistay 15 bishan imtixaan socon doona muddo lix maalin ah.

Ardaygii guulaysta wuxuu fursad u helidoonaa in uu u gudbo fasal cusub, hayeeshee, Leyla waxay sheegtay carruurteeda oo guri joogta ah ay saameyn xoog leh ku yeelatay ka haridda iskuulka iyo imtixaanka dhaafay oo ka reebi kara asaagood.

Iskuulka ay ka hareen ayay ku biireen 4 sano ka hor. Waxay ku dhiganayeen lacag la’aan iyagoo rajo wanaagsan ka qabay in ay kaga gudbaan dugsiga dhexe oo uu ku egyahay.

Saameynta biyaha kuma eka waxabarashada waxay sidoo kale caqabad ku noqdeen nolol-maalmeedka ay heli jireen qoyska Leyla. Waxaa meesha ka baxay shaqooyin xoogsi ah oo ay qaban jireen iyada iyo saygeeda.

Waxay sheegtay in biyo ay xireen inta u dhaxeysa kaamka ay deggan tahay iyo xaafadaha ay howsha nadaafadda ka qaban jirtay. Muddo ka badan labo toddobaad ayayna shaqo tagin. Sidoo kale waxaa istaagay dhismihii guryaha roobabka da’aya dartood.

“Markii hore xoogsi baa lagu noolaa. Hadda aabbaha shaqo ma ahayo maanta ku lix guriga ayuu iska joogaa shaqo la’aan weeye anigana sidaas oo kale. Aniga guri dhaqow iyo dhar-dhaqis ayaan iskaga shaqaysanayay aabbahana guri dhisow ayuu iskaga shaqaysanayay. Aad iyo aad baan u liidanaa kolley. Waxba ahaysano. gacanteena waxba kuma jira hadda, biyihii ayaa soo batay meel la maro malahan.”

Waxaa hoos u dhacay cunnadii ay heli jireen qoyskeeda tan iyo markii biyhu saameeyeen shaqadeeda. Haddaba sidee ayay ku heshaa raashin qoyskeedu karsadaan.?

“Walaahi meel aan dayn ka qaato oo dabakaayo ah (dukaan) ayaan iska saaranahay. Waxaan dhahaa walaalley iga sug. Ilmaha subaxdii quraac ayaa loo kariyaa habeenkii cashada ayay ku gaaraan. Saddexda waqti maba awoodo mana hayo. Gacantayda waxba kuma jiraan.”

Qoyska Leyla  waxay ku nool yihiin xerada Bu’aale oo ku taalla degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose. Waxay dageen billowgii sanadkii 2017, markii ay ka soo barakceen deegaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe.

Nolosha ay ku jiraan ee barakaca waxaa ugu wacan abaar saameysay beer 10 hiktar ah oo noocyada kala duwan ee dalagga ay ku beeran jireen.

Sida ay sheegtay Leyla ka hor biyaha ka dhashay roobka wax dhibaato ah ku qabi jirin nolosha xerada iyadoo qoyskeeda u heli jirtay cunno ku filan saddex waqti maalintii iyo waxbarasho bilaash ah.

Waxaa jira qoysas faro ku tiris ah oo amaahda lacag si carruurtooda aysan waxbarashada u seegin. Waxaa ka mid ah  Nuurta  Cismaan Cali oo laba wiil ay u dhigtaan iskuulka hoose iyo dhexe ee Afmadow gaar ahaan fasallada afaraad iyo shanaad ee sugsiga hoose.

Lacagta ay ku raacaan Doonta macmalka ah oo maalintii ah $1.5 ah ayay ka daynsataa nin ay ehello yihiin oo deggan Afmadow.

Waxay ka cabanaysaa caqabad ay kala kulmaan carruurteeda Doonta u qaadda iskuulka kana soo celisa.

“Dad xornimadooda ku tagaya oo iska socda oo aan Doon iyo waxaas sugaynin ayey ahaayen. Hadda Laakiin ilaa  Doontu timaaddo way sugaan. Saacado ayaa laga yaaba in ay ka dib dhacaan xilligii iskuulka la galaayey. Way ka buuxsantaa Doonta. Doonta kale inta la sugaayo saacado ayay ku qaadataa. Waqtiga wuu ka dib dhacaa. Waxyaabo badan baa iska jira.”

Nuurto ayaa tilmaamtay in ay ku baraarugsanayd hakad ku yimaada waxbarashada carruurta in uu saamayn ku yeelan karo mustaqbalkooda waxabarasho, taasi oo ay ka sii gaashaamatay.

Waxay naawilaysaa in culayska dhaqaale uu ka dagi doono marka ay meesha ka baxaan biyaha xiray waddadii loo marayay iskuulkooda. Inkastoo ay ka walwalsan tahay helidda lacagta ay hadda daynta ku qaadato oo gaartay $20, maaddama aysan shaqaynin iyada iyo saygeeda.

Xanuunka Macaanka oo ku dhacay labo sano ka hor sida dhakhtar caafimaad uu u xaqiijiyay ayaa ka hor istaagay shaqada nafaaddda oo ay qaban jirtay halka saygeeda uu yahay 90 jir aan lahayn awood uu ku shaqo tago.

Qoyskeeda oo ka kooban 3 carruur ah iyo aabbohood waxay ku tiirsan yihiin raashin ay bixiso hay’adda WFP. Waxay ka diiwaan gashan yihiin mushruuca Baxnaano oo qoyaska xeryaha Afmadow ku jira lagu siiyo raashin socon doona muddo lix bil ah.

Nuurto waxay bishii heshaa haaf bariis ah, haaf bur ah, haaf sonkor ah iyo caagad saliid ah. Waxay sheegtay in bishii saddexaad ay qaadatay gargaarkan raashinka ah.

Labo boqol oo ka mid ah ardayda waxbarashada ka haray waxay dhiganayeen dugsiga hoose iyo dhexe ee Dhoobaale sida Raadiyow Ergo uu u sheegay  Cabdulqaadir Khaliif oo ah maamulle ku xigeenka iskuulkaas.

Dhibtaada waxbarasho la’aan ee ay wajahayaan carruurta ayuu xusay in ay timid xilli muhiim u ah oo ay gali lahaayeen imtixaanka.

“Saamaynta ay nagu keeneen waxaa ka mida ardaydii oo soo gudbi waayey, kuwo lacag u waayey iyo kuwo cabsi ahaan uga baaqday. Imtixaankii ilmihii aadbay uga dib dhaceen, laakiin dadka ugu badan ee ay saameysay waa barakacayaasha.”

Wuxuu xusay in ay tixgalinayaan duruufta ay ku jiraan ardayda waxbarashada ka haray. Qorshaha ayuu xusay in ay ku darsadeen xal u helidda carruurtaas marka biyuhu dhamaadaan.

Togga dheer ee mara Afmadow wuxuu biyaha ka keenaa gobolka waqooyi bari dalka keenya waxaana ugu danbeysa biyo uu fataho sanadkii 2018. Inkastoo sanadkan uu sababay biyo badan oo kala xiray magaalada.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.