Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Afka Hooyo Haadaan Buu Ka Sii Dhacayaa

W.Q. Cismaan Sh. Cabdi

Inkasta oo uu Af-Soomaaliga kamid ahayn luuqadaha looga cabsi qabo in ay dabar-go’aan mar dhaw, haddana khatar aan hore ujirin ayaa kasoo foodsaartay mudnaanta la siinayo afafka shisheeye.

Masrax kasta oo Soomaali iskugu timaado, waxaa dhegta kudhici ama isha qabani af ama far-Soomaali barxan. Waxa aan maanta ceeb ahayn in la arko shir Soomaali leedahay oo af-Shisheeye kubaxaya iyo waalid raali ku ah in carruurtiisu Af-Soomaali kuhadlin.

Yaab iyo nasiibdarro midkaad kutilmaamtidba, heerka maanta Af-Soomaaligu marayo waa mid kaliitaa doodaha kusaabsan  horumarinta luuqadda, cilmiyeynta af-Soomaaliga iyo cilmiga oo la Soomaaliyeeyo. Nasiibdarro, Soomaali badan kuma baraarugsana in Af-Soomaaliga  oo ah astaanta Soomaalinimada iyo iskuhayaha ummadda haadaan kasii dhacayo.

Waxaa muddooyiinkan dambe aad usoo badanayay isticmaalka ereyo iyo weedho qalaad, kuwaas oo carqaladeeya habsamida afka Soomaaliga. Waxaa  markasta oo la isticmaalo ereyo ama weedho qalaad  meesha ka baxa dhiggoda oo Soomaali ah.

Faseexadyari iyo aqoondarro midkay tahayba, ereyadan amaahda ah ayaa kadeeqtoomiya qofka in uu isku taxluujiyo in si wacan ugu hadlo afkiisa hooyo. Ogaansho iyo mooganaan midkuu yahayba, waxaa shaki gelaya hodantinimada Af Soomaaliaga iyo aqoonta uu qofka u leeyahay afkiisa. 

Nasiibdarro, dadka ugu badan ee isticmaala ereyada qalaad ayaa ah dadka – intabadan – lagu tuhmayo garasho ama aqoon. Waxaa dadkaas kamid ah wariyeyaasha iyo macallimiinta dugsiyada, kuwii laga filayay in ay waardiyeyaal ka noqdaan afka. Culimada, siyaasiyiinta, shaqaalaha dawladda, dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha kala duwan ayaa iyagana aan dhaawac yar ugeysan af-Soomaaliga.

Meesha lagayaabo in qaar kamid ah xirfadlayaasha uu hooseeyo heerkooda luuqadeed, qaar badan oo kamid ah ayaa waxa ay u isticmaalaan ereyada qalaad xilkasnimadarro iyo in ay kumuujinayaan martabad aqooneed oo ay gaareen.

Si la mid ah aqoonyahannada, ganacsatada Soomaalida ayaan kaalin yar kaciyaarin dayaca af-Soomaaliga. Waxaa hubaal ah in qofka kasta oo Soomaali ah ishiisa qabato tabeella kuqoran af qalaad goob laga yaabo in macaamiisha meheradda timaado wadatahay Soomaali.

Goobaha waxbarasho oo ay ugu horreeyaan jaamacadaha ayaa si lamid ah xarumaha caafimaadka, gaar ahaan isbitaallada, u isticmaala magacyo iyo hal-kudhigyo aan Soomaali ahayn.

Haseyeeshee, khatarta ugu baaxadda weyn ee haysata af-Soomaaliga ayaa ka socota dhanka warbaahinta. Marka lagareebo telefishanka Kalsan, dhammaan kannaalada Soomaaliga kubaxa ee maqal iyo muuqaalka ah ayaa waxay wataan magacyo aan Soomaali ahayn.

Suugaanyahayka caanka ah, Axmed Faarax Cali (Idaajaa), ayaa walaac ka muujiyay sida mulkiileyaasha warbaahinta Soomaalida xil iskaga saarin xulashada wariyeyaal xirfad iyo aqoon leh isla markaasna ugu furin tababarro kor loogu qaadayo xirfaddooda.

Markasta oo suxufi ama siyaasi ku dhex-isticmaalo ereya qalaad afka Soomaaliga, waxaa dhaawacmaya dareenka guud iyo waliba kalsoonida lagu qabo afka. Waxaa maanta wax laga xumaado ah in shaqooyiinka wasaaradaha dalka lagu xayeysiiyo af shisheeye. 

Maadaama uu Soomaaligu yahay luuqad guun ah, qaran iyo qoraal leh, waxa diidayaa majirto in uu kanoqdo Soomaaliya luuqadda kaliya ee rasmiga ah sida af-Turkiga uga yahay Turkiga afka suuqa, shaqada iyo waxbarasha.

Dhab-ahaantii, Soomaaliya uma baahna in xafiisyada dawladda af shisheeye looga shaqeeyo, jamaacadaha af aan Soomaali ahayn lagu dhigo, telefishannada magacya aan Soomaali ahayn loo bixiyo. Dalalka Yurub  intooda badan naga dad yar, naga dal yar, nagana taariikh yar, haddana midkasta afkiisuu hormariyaa, wax kubartaa, kuhindisaa, fagaaraha caalamkana latagaa.

Mudnaanta la siinayo afafka shisheeye waxa uu caddeyn u yahay heerka ay Soomaalidu mareyso. Luuqad waa dhaqan, rasmiyeynteedana waa caddeyn tusineysa sarraynteeda. Waxaa la ogyahay in gumeysiga, mid hore iyo mid haddaba, yahay dhaqan hirgala marka af shisheeye rasmi lagadhigto.

Nabaadguurka kusocda af-Soomaaliga, hadday tahay ku barxid, la simida iyo ka hormarimba afafka shisheeye, ma’aha mid ku ekaanaya kuhadalka luuqadda oo kaliya; waxa uu si toos ah u saameynayaa dhaqanka iyo jiritaanka ummadda.

Maadaama fahamka iyo gudbinta cilmiga ku xiranyihiin heerka luuqadda qofka, af-guriga ayaa u sahlan inuu ku dhex-bulaalo qofka. Waxaa hubaal ah, qof ama qaran aan afkiisa wax kufahmi waayay, af kale wax kuma fahmo, waana sababta ay Soomaalidu ugu baahantahay in ay mudnaata siiso afkooda hooyo.   

Qore: Cismaan Sh. Cabdi
Waxaad qoraaga kala xiriiri kartaa: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.