Wednesday, May 15, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Abwaan Jaamac Kadiye Oo Lagu Aasay Magaalada Gambadhe

Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi oo maalintii shalay ku geeriyooday duqaymo la sheegay in ciidamada Somaliland ka geysteen magaalada Laas Caanood, ayaa maanta lagu aasay magaalada Gambadhe ee gobolka Sool.

Abwaanka oo ka mid ahaa halabuurka Soomaalida siiba dhinaca gabayga ragga ugu caansan xilligan ayaa waxa uu tiriyay gabayo iyo geeraaro tira badan oo ka hadlaya dhinacyada kala duwan ee nolosha iyo guud ahaanba marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Soomaalidu.

Abwaan Jaamac Kadiye (AHUN) murtida iyo hogatusaalaha ay xambaarsanyihiin gabayadiisu ka sokow, waxa uu lahaa luuq macaan oo soo jiidanaysa dhegeystaha marka uu ku luuqaynayo gabayada iyadoo uu ummadda Soomaaliyeedna uga tagay dhaxal suugaaneed qiimo leh oo ay u aayi doonaan.

Waxaa arrin lagu farxo ah in guud ahaanba suugaantii kala geddisnayd ee Abwaan jaamc Kadiye (AHUN) lagu soo ururiyay buug kaasi oo la sheegay in dhawaan bulshada loo soo bandhigi doono.

Aaska abwaanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne aad u tiro badan, kuwaas oo isugu jiray isimada iyo hoggaanka cusub ee SSC, mas’uuliyiin iyo shacab ka kala yimid meelo kal geddisan.

Haddii aanu nahay bahda WardheerNews waxaanu marxuumka Alle uga baryaynaa in uu ka waraabiya naxariistii janno, qoyskii, qaraabadii, asxaabtiisii iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.