Abwaan Cali Sugulle oo Ku Geeriyooday Dalka Imaaraadka Carabta

Abwaan Cali Sugulle oo Ku Geeriyooday Dalka Imaaraadka Carabta
calisugulle
Cali Sugulle

London, Ilaah naxariistii janno ha ka waraabiyee waxaa maanta magaalada Sharija ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ku geeriyooday abwaan Cali Sugulle (Dun Carbeed) oo in muddo ahba halkaas ku xanuunsanayay.

Abwaan Cali Sugulle ayaa waxa uu ka mid ahaa fannaaniintii dhidibada u taagay fanka Soomaaliyeed.isagoo islamarkaana sameeyay heeso iyo ruwaayado badan.

Marxuumka  ayaa la filayaa in meydkiisa loo duuliyo magaalada Hargeysa oo lagu wado in lagu aasi doono.

Bahda WardheerNews waxay ka tacsiyaynaysaa geerida marxuumka qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay iyo guud ahaanba ummadda soomaaliyeed, waxaanan Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo iyagana samir iyo iimaan ka siiyo.

InnaaLillaahi Wa Innaa Ilayhi raahicuun.

WardheerNews