Abuu Mansuur oo Caawa la keenay Muqdisho

Waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo cagadhigatay diyaarad sidday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), taasi oo ka soo qaadday magaalada Xudur ee xarrunta gobolka Bakool.

Roobow Imaatankiisa Muqdisho ayaa ka dambeysay ka gadaal wadahadal saakay uu magaalada Xudur kula yeeshay wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda F. Soomaaliya Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed, Taliye ku xigeenka NISA, iyo saraakiil ka tirsan ciiddanka Xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa Muqdisho xilligan ku sugan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la sheegay in uu kaalin muhiim ka qaatay wadahadallada la isugu soo dhaweeyay dowladda Dhexe iyo Abuu Mansuur oo muddooyinkii danbe ku sugnaa qayba ka mid ah Bakool halkaasi oo uu kula dagaalamay Maleeshiya Shabaab ah.

Waa masuulkii ugu sarreeyay ee ka soo taga Shabaab ee isku soo Dhiiba dowladda  Soomaaliya, waxa ayna arrintan ku soo aadeysaa xilli madaxda Soomaaliya ay ku celcelisay in ay cafis u fidinayaan ciddii ka tanaasusha ka mid ahaanshaha Shabaab iyo Al-Qaacida ee isu soo dhiibta dawladda.

Dhawaan dowladda Mareykanka Abuu Mansuurka saartay liiska dad ay raadinayeen iyadoo hore madaxiisa u dul dhigtay lacag dhan Shan Milyan oo Dollar, sanadkii 2012-kii, xilligaasi oo Shabaab ay iclaamiyeen in ay ku biireen Al-Qaacidda.

Dadka u kuurgala xaaladda siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in isa soo dhiibidda Abu Mansuur ee xilligan ay soo dedejisay weerraro ay maalmihii ugu dambeeyay maleeshiyada Alshabaab ku soo qaadayeen goobaha fariisimada u ahaa isaga iyo maleeshiyada taabacsan oo hore uga soo goostay Shabaabka.

Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.