Mudug: Kumanaan carruur iyo haween iskugu jira oo ka soo kabanaya nafaqo-darro markii quudin loo sameeyay

Mudug: Kumanaan carruur iyo haween iskugu jira oo ka soo kabanaya nafaqo-darro markii quudin loo sameeyay

by Jibril Osman

Mudug: Kumanaan carruur iyo haween iskugu jira oo ka soo kabanaya nafaqo-darro markii quudin loo sameeyay
Kaydka Ergo

Siddeed kun afar boqol iyo sagaashan qof oo iskugu jira carruur iyo haween ayaa ka soo kabanaya xaalad nafaqo darro, markii xarumo lagu quudiyo laga hirgaliyay 11 deegaan oo gobolka Mudug ah bishii Febraayo ee sanadkan.

Ururka  Somali vision development ayaa xarumahan nafaqaynta ka sameeyay deegaanno ay ka mid yihiin Gaalkacyo, Galinsoor, Bandiiradley, Saddex-higlo iyo Dagaari. Carruurta ka yar da’da shanta sano ayaa ka hela buskud toddobaadkii labo jeer.

Waxaa la mid ah haweenka uurka leh iyo kuwa umulay ee nafaqo xumadu hayso, kuwaas oo la siiyo boorash. Luul Cabdi Nuur oo 28 jira ah iyo wiileeda oo labo jir ah waxay ka mid yihiin dadka ka faa’iideystay daawayn iyo nafaqo celin loo sameeyay.

Haweenaydan oo ku nool Gaalkacyo ayaa sheegtay in wiilkeeda laga daaweeyay xanuunka jadeecada ka hor inta aan buskudka loo billaabin, Dhowr bil kaddib, waxaa wadajir uga soo kabtay nafaqo xumada Luul iyo cuniggeeda.

“Waxay noo socdeen quudinta muddo saddex bil ah aniga iyo cunigga yar. Anigu uurrey baan ahaa. Waan ku fiicnaannay. Wax fiican baan iskaga garanay. Subixii waxaan siiyaa wiilka hal xabbo oo buskud ah. Wuu ku fiicnaaday. Anigana boorash. Boorashka biyo ayaan dabka la saaraa markuu karkaro waan walaaqaa. Wax yar markii uu karsamo dabkan ka dajiyaa. Wax yar oo saliid iyo sonkor ah baan ku daraa sidaas baan u cabaa.”

Waxay tilmaamtay in ay ku xiran tahay xarunta nafaqaynta hooyada iyo dhallaanka ee Horseed oo ku taalla magaalada Gaalkacyo. Labadii toddobaadba mar ayay ka heshaa 15 kiilo oo boorsh ah iyo 30 xabbo oo buskud ah.

Luul oo loo billaabay nafaqaynta xilli ay lahayd uur siddeed bil ah ayaa sheegtay in ay dhashay iyadoo ka roonaatay xaaladdii nafaqo xumo. Waxay awood u yeelatay in ay caanaha naaska oo ku filan u hesho ilmaha ay dhashay oo hal bil jira.

Qoyskeeda oo 5 ah ayaa ka soo barakacay deegaanka Wisil 27 bishii Juun ee sanadkii 2021, markii ay halkaas ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo Alshabaab. Tan iyo markaas waxay ku jirtay xerada lagu barakacay ee Sahan.

Nafaqo darrada ay wajaheen iyada iyo mid ka mid ah carruurteeda ayay sheegtay in ay sababeen xanuunno iyo cunno yari isbiirsaday.

“Cunigga Jadeeco ayaa iiga dhacday anigana uurka Ayaan ku xanuunsaday, markii hore ee aan Wisil joognay waan fiicnayn. Caano iyo cunno ayaan iska haysannay. Laakiin markii aan kaamka nimid caano-boore waxaan ku gadanno waan waynay caano xoolaadna waan waynay, sidaas baa nafaqo darradu noogu dhacday.”

Carruurteeda weli waxay wajahayaan cunno yari ku haysa xerada ay ku jiraan. Inkastoo hal waqti oo ka mid ah maalintii ay dabka u saarto boorsh ama raashin ay ku gadato $30 oo bishiiba mar ay ka hesho qoys ay ehello yihiin.

Carruurteeda aabbohood oo dabooli jiray baahida qoyska ayay sheegtay in aysan wax taageero ah ka helin lixdii bil ee u danbeeyay.

“Qoyskayga anna uma shaqeeyo gurigaan iska joogaa oo ilmahan hayaa aabbahoodna ma joogo. Wisil markii aan ka soo barakacnay baa noogu danbaysay. Dad kale oo adeeryaal ah baa wax noo soo tuurtuura marna waan ka waynaa marna waan ka helnaa.”

Qoyskeeda ayaa ahaa xoolo-dhaqato ka hor colaadda. Waxay sheegtay in afartan ari ah oo ay ku dhaqanaysay miyiga Wisil 15 ka mid ahaa ay abaartu dishay. Halka inta kale ay kala irdhaysay colaadda, isla markaana aan la helin weli.

Luul waxay ka mid tahay 8,490 qof oo weli la gala tacaalayo xaaladda nafaqo xumada. 6,000 oo ka mid ah ayaa ah carruur ka yar da’da shanta sano. Inta kale waa haween uur leh iyo kuwa dhalay sida ay sheegtay Farxiyo Cali Maxamed oo madax ka ah barnaamijka nafaqo celinta.

Shukri Cali Cabdi oo ku nool deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug waxaa nafaqo celin loo sameeyay wiilkeeda oo saddex jir ah, kaas oo miyiga ay ku haleeshay nafaqo darro. Wuxuu ka qaaday cunno yari ka dhalatay qoyskooda oo abaartu ay cayrtaysay.

“Wax wayn baan ka dareemay. Cunigayga xaaladdiisa waa lala socdaa. Miisaankiisa waa la ii cabbiraa. Buskudkiisa waa la ii siinayaa. Marka sidaas buu iigu soo kabtay.”

Waxay sheegtay in uu awood u yeeshay la ciyaaridda carruurta asaaggiisa ah, kaddib muddo afar bil ah oo loo waday nafaqo celinta, maaddama markii hore uu gabay socodka tabar yiri darteed.

Wuxuu ka mid yahay 6 carruur ah oo ay dhashay Shukri, kuwaas oo aabbahood uu dhintay saddex sano ka hor. Billowgii bishii koobaad ee sanadkan ayay la soo gashay Bandiiradlay, markii ay abaartu dhaafisay 150 ari ah oo ay ku dhaqan jirtay miyiga.

“Markii aan ku soo xaroonay oo magaalada aan iska imaanay guri baa naloo ijaaray, meeshaas baan iska joognaa. Xaalad adduun baan iskaga jirnaa. Wax hadda noo maqan oo noo shaqeeya ama se wax noo soo diraa ma jiraan.”

Nin ay qaraabo yihiin ayay sheegtay in uu ku caawiyo cunno hal waqti ay dabka saartaan maalintii iyo kirada guriga ay ku jiraan oo bishii ah $30. Intaas waxay ku dartay in aysan isku filnayn dhaqaale ahaan, maaddama aysan lahayn xirfad ay uga shaqaysato magaalada.

Mashuuca lagu nafqeeyo wiilka Shukri iyo carruurta kae oo soo billowday bishii labaad ee sanadkan ayaa socon doona muddo sanad ah.

Farxiyo Cali Maxamed oo ururka Somali vision development u qaabilsan nafaqaynta carruurta ku nool gobolka Mudug ayaa sheegtay in dhaqaalaha ku baxaya mashrucan in ay ka taageertay ururkooda hay’adda cunnada adduunka ee WFP. Waxay xoogga saaraan carruurta iyo haweenka nugul.

“Ugu horayn dadka qaadanaya nafaqaynta waxa lagu soo xushay inay yahiin ugu horrayn nafaqa darro iyadoo loo fiirinaayo da’da cunigga uu jiro. 6 bil ee u horraysa ilaa 5 sano inta u dhaxeysa. Hooyada uurka leh 4 bil ee ugu horraysa ilaa naas-nuujinta inta ay ku jirto ayaa loo fiirinayaa iyo qof walba oo nafaqo darro ah, oo intii hadda aan kuu sharraxay ku jirta ayaa barnaamijka Somali vision development ay ku qabataa.”

Carruurta iyo haweenka ka faa’iideystay quudinta loo sameeyay ayaa intooda badan ka yimid xeryaha lagu barakacay. Waxaay ka siman yihiin duruufta dhaqaale ee cunno xumada badday. Waxay ka dhaxleen colaad iyo abaar ka dhacday deegaannadooda.

Source: Radio Ergo

Leave a Reply

Your email address will not be published.