Muqdisho (WDN)- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa sheegtay in hawlgal ay si wadajir ah bishan 20-dii u wada fuliyeen NISA iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen ugu yaraan 20 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab.
Bayaan goor dambe oo shalay ah kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in halwgalkan uu ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Ugunji iyo Mubaarak ee gobalka Shabeellaha Hoose.
NISA ayaa intaas ku dartay in tobannaan kale oo Al-shabaab lagu dhaawacay howlgalkan, isla markaana ay ‘firxadkooda ku daba joogaan kuwa kale oo baxsad ah.’
“Howlgalka aan dalkeena iyo dadkeena uga xorreynayno Khawaarijta ma joogsan doono ilaa iyo inta taako ka mid ah dhulkeena ay joogaan Khawaarijta, waxaana u mahadcelinaynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka ee nagu garab taagan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta” ayaa lagu yiri bayaanka NISA.
Dhinac kalena maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhiga ciidamada dowladda ee degaankaas Masaggawaa, oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka labada dhinac uu mudda saacado ah halkaas ka socday inkastoo aan faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay.
Sidoo kale ciidamada dowladda iyo Al-shabaab midna weli kama hadlin dagaalka islamarkaana way adag tahay in halkaas laga helo xog madax bannaan.
Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews
Leave a Reply