Madaxweyne Xasan oo booqasho rasmiya ku tagey Itoobiya kadib 5 bilood markii la doortay

Madaxweyne Xasan oo booqasho rasmiya ku tagey Itoobiya kadib 5 bilood  markii la doortay

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa Labo maalmood ku gaarey dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kala kulmay soo dhaweyn ballaaran iyo hab maamuus wanaagsan, iyada oo ay jireen warar sheegayay in xiriirka xukuumadda Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay soo kala dhex galeen mugdi iyo is faham daro keentay in ay labada dal kala fogaadaan, iyada oo Md. Abiy uu horey xiriir dhow ula lahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan iyo RW Abiy Ahmed,
Addis- Ababa

Itoobiya oo xuduud gaadheysa 1,600 KM la leh Soomaaliya, islamarkaana arimaha Soomaaliya aad faraha ugula jirta, ayaa aan ka mid noqon wadamadii uu Madaxweyne Xasan ku tagay socdaaladiisii u horeeyay ee uu mudnaanta siiyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa- Bole International Airport, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Md. Abiy Axmed, xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada, saraakiil iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta madaxweynaha, ayadoo loo riday 11 madfac oo ka tarjumaysa maqaamka sare ee lagu qaabilay wafdiga .

Ra’iisulwasaare Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan ajiibidda casuumaadda uu u fidiyey iyo booqashadan muhiimka ah, Md. Xasan ayaa dhankiisa uga mahadceliyey hoggaanka iyo shacabka Itoobiya soo dhaweynta diirran iyo maamuuska isaga iyo wafdigiisa.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Itoobiya ayaa dhameystir u ah socdaal hal ku dhegiisu ahaa “Soomaali  heshiis ah, daunidana la heshiis ah”. Md. Xasan ayaa inta uu joogo Adis Ababa madaxda dalkaasi kala xaajoon doonaa arimo la xariira iskaashiga ee labada dal gaar ahaan dhanka amaanka, iyada oo labada dal ay wajahayaan dagaalo ay kula jiraan Alshabaab. 

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.