Guddiga amniga munaasabadda caleema saarka madaxweynaha oo la magacaabay

Muqdisho (WDN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Md. Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacaabay guddiga amniga xafladda caleema saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu wado in ay dhacdo 9-ka bisha June 2022.

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha ee 15-kii May la doortey ,ayaa waxaa ka qeybgeli doona madax dhawr ah oo dalalka deriska Soomaaliya ah iyo masuuliyiin kale oo shisheeye.

Md. Rooble ayaa qoraal uu soo saarey ku magacaabey guddigan oo ka shaqayn doona sugidda amniga munaasabadda caleema saarka, oo ka kooban 7 xubnood oo uu guddoomiye u yahay wasiirka amniga qaranka mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Halkaan ka aqristo qoraalka rasmiga ah ee magacaabista guddigaan:

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.